4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 2 , 2013
Bannaanbaxyo ka socda Xarunta Turkiga ee Ankara iyo Booliiska oo Gaas u adeegsaday Dibadbaxayaasha (SAWIRRO)


Axad, Juun 02, 2013 (HOL) — Dibadbaxayaal careysan ayaa maanta isugu soo baxay maalintii saddexaad barxadda Kizilay magaalada Ankara ee dalka Turkiga, iyadoo booliiskuna ay u adeegsadeen dibadbaxayaashaan suntan dadka ka ilmeysiisa kaddib markii ay isku dhaceen.

Mudaaharaadayaasha ayaa weli ku sugan barxadda, iyagoo ku dhawaaqay erayo ay kaga soo horjeedaan xukuumadda ra’iisul wasaaraha Turkiga, Racep Tayyip Erdogan, waxayna ka dalbadeen inuu xilka ka dago.

Dibadbaxyada oo jimcihii ka billowday barxadda Taksim oo Istanbul ku taalla ayay dibadbaxayaashu uga cabanayaan isbedel ay doonayso inay dowladda Turkiga ku sameyso, iyagoo sidoo kale sheegay inay ka cabanayaan in lagu xadgudbay xuquuqdooda shaqsiyadeed.

Wararka ayaa waxay sheegayaan in dibadbaxayaashu ay jareer geedihii ku yaallay halkaas, sidoo kalena ay burbur ku geysteen basas iyo gaadiid kale oo ay leedahay dowladda hoose ee Turkiga. Iyadoo shaqaalaha dowladda hoose ee Turkiga ay billaabeen inay nadiifiyaan waddooyinka.

“Bannaanbaxayaashu waxay ku burburiyeen magaalada Ankara ee xarunta dalka Turkiga 16 bas, waxayna dab-qabadsiiyeen lix gaarida oo ay leedahay dowladda hoose ee Turkiga. Boosteejooyinka ay basaasku istaagaan iyo boorar kuwa xayeesiinta ahna way burburiyeen,” ayaa lagu yiri war kasoo baxay dowladda  hoose ee Ankara.



Ciidamada booliiska ayaa la sheegay inay qabqabteen 90 qof oo ka mid ahaa dadkii dibadbaxa ka dhigayay Ankara, sidoo kale waxaa lasoo warinayaan in 48 magaalo oo kale lagu qabqabtay dad gaaraya 936 qof oo dibadbaxayaal ah, kuwaasoo dhammaantood la xiray, inkasto qaar ka mid ah markii dambe lasii daayay.

Ra’iisul wasaaraha dalka Turkiga, Erdogan oo shir jaraa’id qabtay maanta oo Axad ah ayaa ugu baaqay dibadbaxayaasha inay joojiyaan dibadbaxyada ay dhigayaan, ciddii cabasho qabtana ay u timaaddo isaga oo ay sheegto wixii ay doonayso.

Erdogan wuxuu sheegay in isbedelka lagu sameynayo barxadda Taksim lasii wadi doono, isagoo xusay in taasi ay tahay go’aan ay dowladdu diidday, balse dibadbaxayaasha ayaa dalbanaya in goobtaas oo qadiimi ah aan lagu sameyn wax isbedel ah.

Dibadbaxyadan ayaa noqonaya kuwii ugu cuslaa ee dalka Turkiga ka dhaca muddo sannado ah, iyadoo dadka dibadbaxa dhigaya ay sidoo kale sheegeen inay si aad ah uga cabanayaan sharciyo cusub oo ay dowladdu soo saartay kuwaasoo ay ka mid yihiin inaan la isku dhunkan karin jidka dhexdiisa.


Police fire tear gas in Ankara-PHOTO

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya