4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 19, 2013
Xarakada Al-shabaab oo sheegatay Mas’uuliyadda Weerarkii Xarunta UNDP ay ku leedahay Magaalada Muqdisho

Arbaco, Juun 19, 2013 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ayaa sheegatay inay mas’uul ka tahay weerarka lagu qaaday xarunta hay’adda horumarinta QM ee UNDP ay ku leedahay Muqdisho, iyadoo sarkaal u hadlay uu sheegay inay weerarka qaadeen ciidamadooda gaarka ah.

“Dagaalyahannadeeda kumaandooska ah ayaa weeraray xaurnta UNDP… waxay halkaas ka fuliyeen qaraxyo ismiidaamin ah; gudaha ayayna u galeen xarunta, iyagoo ku dilay ciidammo iyo saraakiil ajnabi ah,” ayuu yiri sarkaalka Al-shabaab ka tirsan oo la hadlay warbaahinta.

Xoogagga Al-shabaab ee weerarka qaaday ayaa ku sugan gudaha xaruntaas in ka badan hal saac, kuwaasoo ciidamada dowladda iyo kuwii kale ee halkaas gaaray kula dagaalamayay gudaha xarunta.

Goobjoogayaal ayaa HOL u sheegay inay arkeen maydadka dad rayid ah iyo ilaaladii xarunta oo daadsan afafka hore ee xaurnta UNDP, iyadoo la sheegay in dadka rayidka ah ay isugu jireen kuwo ganacsi ku lahaa halkaas iyo kuwo goobta marayay.

“Waxaan arkay dhimashada ugu yaraan 10-qof oo halkaas daadsan, waxaa ku jiray haween iyo rag, qaarkood ganacsato ayay ahaayeen,” ayay tiri gabar ka mid ah dadka deggen kasoo horjeedka xarunta oo sheegtay inay hooyadeed ka mid ahayd dadkii ku dhaawacmay rasaastii la is-dhaafsanayay.

Sidoo kale, waxaa ku dhaawacmay inta la ogyahay dagaalkan in ka badan 20-qof oo isugu jiray shacab iyo ilaalada UNDP iyo askar ka tisran ciidamada dowladda, kuwaasoo goobta ay ka qaadeen gaadiidka gurmadka deg-degga ah.

Ilaalo ka tirsan kuwa xarunta UNDP oo u socday xarunta intii uusan weerarku dhicin oo ay u suurogeli waday inay halkaas gaaraan ayaa xiray jidka dheer ee isku xira garoonka iyo isgoyska KM-4, kuwaasoo dadka iyo gaadiidkaba u diiday inay halkaas maraan.

Sarkaal u hadlay ciidamada booliiska Soomaaliya oo hadlay ayaa isaguna sheegay inay ciidamada dowladda si rasmi ah ula wareegeen goobta, ayna laayeen kooxihii weerarka ku qaaday halkaas mid ka mid ahna ay gacanta ku dhigeen.

Haweeney ka tirsan Qaramada Midoobay oo la hadashay wakaaladda wararka ee AP ayaa iyaduna sheegtay in weerarku uu dhacay xilli ay xaruntaas ka baxayeen saraakiil ka socday hay’adaha Qaramada Midoobay.

Weerarkan ayaa noqonaya kii labaad oo noociisa ah oo ay Al-shabaab ka geysatay magaalada Muqdisho sannadkan, iyadoo dhowr bilood ka hor ay xoogag taabacsan Al-shabaab weerar noocan oo kale ah ay ku qabsadeen xarunta maxkamadaha gobolka Banaadir.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya