4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 19, 2013
Kooxo Hubeysan oo Maanta Weerarro isugu jira Ismiidaamin iyo kuwa Toos ah ku qaaday Xartunta UNDP ee Muqdisho

Arbaco, Juun 19, 2013 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa weerar ku qaaday maanta xarunta hay’adda UNPD ee Muqdisho oo u dhexeysa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde iyo isgoyska mashquulka badan ee KM-4.

Weerarka ayaa ku billowday ismiidaamin ayaa isku rogay mid toos ah iyadoo kooxaha weerarka qaaday ay gudaha u galeen xarunta, ayna qaarkood halkaas isku qarxiyeen, iyadoo loo maleynayo inay yihiin xoogag ka tirsan kuwa Al-shabaab.

Inta la ogyahay shan qof oo dhinacyadii dagaalamay ka tiran ayaas ku dhintay goobta, iyadoo ay jireen dhaawacyo soo gaaray dad shacab ah oo deggen agagaarka xarunta, kuwaasoo ay qaadeen gaadiidka gurmadka deg-degga ah.

Ciidamada dowladd Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo wata gaadiidka dagaalka ayaa ku sugan hareeraha xarunta, iyadoo ciidamadan qaarkood ay gudaha u galeen xarunta ayna rasaas badan ka socoto halkaas.

Waddada isku xirta KM-4 iyo garoonka diyaaradaha ee Muqdisho ayaa la xiray iyadoo la maqayo rasaas qoryaha fudud ka dhacda, iyadoo intii uu iska horimaadku socdayna ay dhacayeen qaraxyo kala duwan.

Ma jiro mas’uul ka tirsan dowladda iyo kuwa Qaramada Midoobay oo ka hadlay arrintan, iyadoo weerarkan uu kusoo beegmayo kaddib markii horraantii bishan Juun laga furay Muqdisho xafiiska UNSOM ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya.

Howlaha garoonka diyaaradaha ee Muqdisho ayaa si caadi ah u socda iyadoo ay halkaas kusoo dagayaan kana duulayaan diyaaradaha xamuulka iyo kuwa gaarka ah ee ay wataan saraakiisha hay’adaha gargaarka.

Wixii warar ah ee soo kordha waxaad kula socon doontaa wararkeenna dambe.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya