4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 17, 2013
Qoysas danyar ah oo Buuhoodle loogu qaybiyay raashin kala duwan oo lagu Maamuusayay Maalinta Carruurta Afrika (SAWIRRO)


Isniin, Juun 17, 2013 (HOL) — Ugu yaraan 30-qoys ayaa gargaar raashin ah loogu qaybiyay maanta magaalada Buuhoodle, kaasoo lagu maamuusayay maalinta carruurta Afrika.

Munaasabaddan oo ay soo qaban-qaabisay wasaaradda haweenka iyo arrimaha Bulshada maamulka Puntland ayaa waxaa kasoo qayb-galay mas’uuliyiin kala duwan, urruradda haweenka iyo caruurta magaalada Buuhoodle ku nool.

Isku-duwaha wasaaradda haweenka Puntland ee gobolka Cayn, Adna Cali Axmed oo halkaas ka hadashay ayaa ugu baaqday bulshada Buuhoodle inay u soo jeestaan caawinta carruurta, gaar ahaan kuwa qoysaska dan-yarta ah kasoo jeeda.

Taliyaha ciidanka booliska Buuhoodle, Ibraahim Cabdi Balayax (Dhool-gu) oo isna munaasabadda ka hadlay ayaa ka codsaday boorriyay shacabka ku nool Buuhoodle inay eegaan oo u naxariistaan dadkooda jilicsan gaar ahaan carruurta oo u nugul dhibaato kasta.

Caasha Jaamac Dhuux oo ka mid ah haweenka sida aadka ah loogu ciseeyo deegaanka Caymeed ayaa u mahad-celisey mas’uuliyiinta wasaaradda haweenka maamulka Puntland iyo dadkii gacanta ka geystay  gargaarkan la bixiyay maanta, waxayna dadka reer Buuhoodle ugu baaqday inay fiiro gaar ah u yeeshaan dadkooda jilicsan oo ay carruurtu ugu horreyso.

Munaasabaddaas kaddib ayaa raashin isugu jiray sonkor, bur, bariis iyo saliid u qaybiyay 30-qoys oo la sheegay inay yihiin qoysaska carruur badan haysta, isla markaana dan-yar ah.

Sannad walba aya munaasabad noocan oo kale lagu qabtaa magaalada Buuhoodle, iyadoo tani ay noqonayso tii ugu horreysay oo ay gacan wax-tar ah loogu fidiyay qoysaska dan-yarta ah ee magaaladaas ku nool iyadoo dad badan ay soo dhaweeyeen.



Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool