4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 17, 2013
Al-shabaab oo soo Bandhigtay Maxaabiis Kenyan ah iyo Qalab ay sheegtay inay kusoo furatay weerar ka dhacay Kenya


Isniin, Juun 17, 2013 (HOL) — Xarakada Al-Shabaab ayaa kusoo bandhigay barta ay ku leedahay Twitter-ka labo ruux oo Kenyan ah oo ay sheegtay inay ka mid yihiin askarta Kenya oo ay kasoo qafaasheen gobolka Waqooyi-bari ee dalkaas iyo qalab isugu jira hub ay ka mid yihiin qoryaha fudud, rasaas iyo kuwa isgaarsiinta loo isitcmaalo.

Al-shabaab ayaa sheegtay in qalabkan iyo labada ruux ay kusoo afduubtay weerar ka dhacay deegaan lagu magacaabo Dhamajaaley oo ku dhow xadka u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya, halkaasoo ay weerartay 25-kii bishiii May ee lasoo dhaafay.

Ma sheegin Al-shabaab go’aanka ay ka qaadanayso labadan ruux ee Kenya u dhashay iyo magacyadooda, waxaase ay horay u sheegtay inay dishay laba ruux oo Kenyan ah oo sannadkii hore ay kasoo qabsatay gudaha Kenya.

Xoogaga Al-shabaab ayaa dhowr jeer oo hore weerarro ku qaaday gudaha dalka Kenya, kuwaasoo ay ku geysteen dilal iyo afduubyo, iyagoo sheegay in tani ay tahay guul ay gaareen xoogagooda.

Afhayeenka Al-shabaab ayaa dhawaan sheegay inay gacanta ku hayaan askar ka tirsan ciidamada AMISOM oo ay dagaalo ku qabsadeen, balse weli ma soo bandhigin, waxaana uu Sheekh Cali Dheere in madaxda ururkaas ay go’aan ka gaari doonaan aayaha askartaas.

Tan iyo markii ay Kenya ciidamadeeda soo gelisay Koonfurta Soomaaliya si ay ula dagaalanto Al-shabaab oo ay ku eedeeyeen inay ka dambeysay falal afduubyo iyo dilal ah oo ka dhacay gobolka Waqooyi-bari ee Kenya ayaa waxay Al-shabaab beegsanaysay gudaha Kenya.

Ma jiro wax war ah oo ku saabsan raggan lasoo bandhigay oo kasoo baxay dhinaca dowladda Kenya, waxaase horay ay mas’uuliyiin dalkaas ka tirsan u sheegeen inay jiraan askar lagu waayay dagaalkii ka dhacay Dhamajaaley.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya