4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 17, 2013
Nin dilay Xaaskiisii oo shan caruur ah u lahayd, isagiina is-dilay iyo dilal kale oo ka dhacay Deegaanno ka Tirsan Baydhabo

Isniin, Juun 17, 2013 (HOL) — Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayaa waxaa ku dilay xaaskiisii oo shan caruur ah u haysay isla maraana lahayd uur nin lagu magacaabi jiray, Cabdirisaaq Xasan Saney oo isaguna markii dambe is-dilay.

Dilka oo ka dhacay gurigii ay deggenaayeen isaga iyo xaaskiisa isagoo ku dhuftay dhowr xabbadood oo sababay inay goobta ku dhimato, kaddibna uu isla goobta isku toogtay, waxayna noqatay arrin layaab ku keentay dadka ku nool magaalada Baydhabo.

Lama oga sababta keentay in ninkaas uu toogasho ku dilo xaaskiisa isaguna uu is-dilo, waxayna labadoodu ifka uga tageen shan caruur ah oo ay dhaleen iyadoo falkan uu noqonayo kii ugu horreeyay oo Baydhabo ka dhaca.

Sidoo kale, waxaa isla magaalada Baydhboa lagu qabtay maanta nin kale oo soo dilay xaaskiisa muddo laba maalmood laga joogo, iyadoo ay gacanta ku hayaan ciidamada booliiska, kaasoo hadda ku jira xabsiga.

Maalmahan ayaa waxaa ka dhacayay magaalada Baydhabo iyo deegaannada ku dhow-dhow dilal kala duwan, iyadoo shalay lagu diley deegaanka Goof-gaduud mid ka mid ah ciidamada xooggaa dalka oo deegaanka ku sugnaa, waxaana dilkiisa geystay askari kale oo ka tirsan isla ciidamada xoogga dalka.

Askariga dilka geystay geystay ayaa lasoo qabtay, isagoo haatan ku xiran xabsiga magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, waxaana ciidamadu ay sheegeen inay baarayaan sababtii keentay inuu askariga kale dilo.

Baydhabo ayaa waxay ka mid tahay degmooyinka ku yaalla Koonfurta dalka Soomaaliya oo ay gacanta ku hayaan ciidamada dowlada Soomaaliya, kuwa AMISOM iyo kuwa Itoobiya.

Hiiraan Online, Baydhabo