4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 17, 2013
Ciidamada Dowladda Somalia iyo kuwa AMISOM oo la wareegay deegaanno ka tirsan Gobolka Hiiraan

Isniin, Juun 17, 2013 (HOL) — Kaddib howlgal saacadihii aynu soo dhaafnay ay ka sameeyeen ciidamada dowladda iyo kuwa Jabuuti ee howlgalka midowgga Africa AMISOM qeybo ka mid ah gobollka Hiiraan ayeey kula wareegeen deegaanno hoostaga magaalada Baladweyne oo ay horay gacanta ugu hayeen xoogagga Al-shabaab.

Saraakiisha ciidamada maamulka gobollka Hiiraan iyo kuwa AMISOM oo warbaahinta la hadllayay ayaa sheegay in la wareegeen deegaannada kala ah Luuq-jeelloow, Baar, Ceel-cali, Baardheer oo horay ay gacanta ugu hayeen Al-shabaab.

Taliyaha ciidamada Jabuuti ee magaalada Baladweyne Col Cismaan Dubad ayaa sheegay in ay ku soo qabteen howlgalka 11 ruux oo ka tirsan Al-shabaab  kuwaasoo ay hadda gacanta ku hayaan ayuu yiri laamaha nabad-galyada.

Saraakiisha ayaa sheegay in howlgalkan bilow u yahay qorshe la doonayo in guud ahaan gobollka sida ay hadalka u dhigeen looga saarayo xoogagga Al-shabaab oo maamula qeybo ka mid ah gobollka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Baladweyne, Soomaaliya