4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 17, 2013
Madaxweyna​ha Jabuuti oo Koob isdhaxgalka bulshada ah u dhigay kooxaha kubadda cagta ee Baladweyne​ (SAWIRRO)


Isniin, Juun 17, 2013 (HOL) — Tartan kubad cagta ah oo ay ka qeyb-qaadanayaa ilaa sideed kooxood oo ka dhisan afarta xaafadood oo ay ka kooban tahay magaalada Baladweyne, ayaa si rasmi ah uga furmay garoonka kubada cagta Lama-galaan.

Furintaanka tartanka oo ay ka qeyb-galleen mas'uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan, saraakiisha ciidamada Jabuuti iyo guddiga Isboortiga gobolka ayaa looga dhawaaqay ama laga sheegay in tartanka loo qabtay Koob uu dhigay madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaacil Cumar Geelle oo loogu talagalay is dhax-galka bulshada iyo xoojinta nabad-galyada.

Mas'uuliyiinta maamulka gobollka Hiiraan ee ka hadllay furintaanka tartanka ayaa siweyn uga mahad celiyay madaxweynaha dalka Jabuuti kaalinta uu ka qaadanayo xoojinta nabad-galyada, iyaga oo sheegay in isboortigu yahay qeybta ugu muhiimsan nabad dhisida madaama uu isku keenayo dad kala gadisan oo ka kooban qeybaha bulshada.

Col. Cismaan Dubad taliyaha ciidamada Jabuuti ee howlgalka midowgga Africa AMISOM ayaa sheegay Koobanka is-dhax-galka bulshada iyo xoojinta nabada uu yahay mid uu madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ugu talagalay in sare loogu qaado niyada bahda isboortiga gobollka dhinaca kalana isku soo jiidaya bulshada gaar ahaan dhalinyarrada si markaa ay nabadu u xoogeysto.

“Annaga mar walba waan garab taagnnahay Isbootiga gobolka, kooxaha ka qeyb-gallaya tartanaka waxaan u rajeynayaa guul iyo cayaar wanaag, abaal-marino qaali ah ayaa jiri doona, waxaana rajeynayaa in xiriir inta ka badan uu na dhaxmari doono guddiga isbooriga gobolka Hiiraan iyo ururka dhalinyarrada,'' ayuu yiri Col. Cismaan Dubad.

Markii ugu horeysay ayaa kooxaha ka qeyb-gallaya tartanka waxaa la gudoonsiiyay qalab Isboorti oo dhameystiran oo sida goobta laga sheegay uu ku deeqay madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Lugtii ugu horeysay tartanka koobka is-dhax-galka bulshada iyo xoojinta nabada waxaa uu dhaxmaray kooxaha Kooshin B iyo Xaawo-taako B,  waxaana 2-0 ku badisay kooxda Kooshin B.

Sidoo kale, waxaa maalintii shalay cayaar kulul oo xiiso badan ay dhaxmartay kooxaha Buundo-weyn B, iyo Howl-wadaag B, oo ay guushu 3-0 ku raacday kooxda Howl-wadaag B, oo soo bandhigtay cayaar siweyn loola dhacay.

Garoonka Lama-galaan oo ay horay dayactar ugu sameeyeen saraakiisha ciidamada Jabuuti ayaa waxaa soo buux dhaafiya galab walba kumanaan ruux oo isaga kala yimid xaafaddaha magaalada Baladweyne, kuwaasoo u badan taageerayaasha kooxaha tartamaya, iyadoo amniga garoonkana ay sugayaan ciidamada maamulka gobollka Hiiraan.




C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Baladweyne, Soomaaliya