4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 17, 2013
Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Somalia oo lagu Weeraray Bartamaha Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya

Isniin, Juun 17, 2013 (HOL) — Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Somalia ayaa xalay lagu weeraray bartamaha magaalada Nairobi ee dalka Kenya, xilli ay wateen gaari yar, waxaana kooxaha weerarka geystay oo ahaa rag sitay bastoolado ay ka qaateen xildhibaannada laabtoobyadii ay wateen.

Mudanayaashan la weeraray ayaa waxay kala ahaayeen, C/raxmaan Xoosh Jabriil oo ahaa wasiirkii hore ee dastuurka Soomaaliya iyo C/llaahi Goodax Barre oo ahaa wasiirkii hore ee qorsheynta dowladdii KMG ahayd.

“Saddex nin oo bastoolado ku hubeysan ayaa noogu soo galay gaari yar oo aan wadannay, waxayna nagu qabteen bastoolado, iyagoo noo sheegay inay yihiin booliis aana xirannahay, iyagoo isku dayay inay kexeystaan xildhibaan xoosh, balse buuq ayaa dhacay wayna carareen,” ayuu yiri xildhibaan Godax oo la hadlayay VOA-da.

Xildhibaanka ayaa sheegay in weerarkooda kaddib ay lasoo xiriireen saraakiil ka tirsan dowladda Kenya ayna u sheegeen inay ka xun yihiin wixii dhacay; wixii hadda ka dambeeya ay sugayaan ammaankooda.

“Ragga nasoo weeraray waxay ahaayeen dhar cad, waxayna noo sheegeen inay yihiin booliis, balse ma garanayno waxay ahaayeen, mana jiraan wax dhib ah oo nasoo gaaray,” ayuu xildhibaanku hadalkiisa ku daray.

Dowladda Kenya iyo dowladda Soomaaliya ayaan weli ka hadlin weeerarka loogu geystay xildhibaannada Soomaaliyeed bartamaha magaalada Nairobi ee xarunta Kenya, iyadoo tani ay noqonayso markii ugu horreysay oo falkan oo kale uu ka dhaco Nairobi.

Xildhibaannadan ayaa waxay ka mid ahaayeen xildhibaanno dhawaan kaga qaybgalay magaalada Nairobi shir looga hadlayay mushkiladaha ka taagan gobollada Jubbooyinka, halkaasoo ay ka howlgalaan ciidamada Kenya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya