3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 17, 2013
Dufcaddii ugu Horreysay Ciidamada Milateriga Dowlada Soomaaliya oo lagu wado in Tababar loogu soo xiro Muqdisho

Isniin, Juun 17, 2013 (HOL) — Ciidamadii ugu horreeyay oo ka tirsan milateriga Soomaaliya oo tababar ku qaata gudaha dalka ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda loosoo xiro tababarkooda, sida ay sheegeen saraakiisha milateriga Soomaaliya iyo wasaaradda gaashaandhigga.

Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi oo shalay la hadlayay ciidamadan ayaa sheegay in looga baahan yahay inay xaqiijiyaan ammaanka dalka oo dhan, gaar ahaan Muqdisho loona tababaray inay ka hortagaan Al-shabaab oo uu ku tilmaamay cadowga dalka.

“Cadowga dalka waa mid midabkeenna leh oo u adeegaya shisheeye, ma doonayaa in dalka ay nabadi ka dhalato, ma doonayaan in caruurteennu ay iskuullada aadaan, mana doonayaan in ciidankeennu dhismo, marka kuwaas waa kuwa la doonayo inaan ka hortagtaan,” ayuu yiri wasiirka oo la hadlayay boqolaalka askari ee tababarka dhameysanaya.

Abaanduulaha ciidamada xoogga dalka, Jen. C/risaaq Khaliif Cilmi oo isaguna goobta ka hadlay ayaa sheegay in ciidamadan ay yihiin kuwii ugu horreeyay oo dalka gudihiisa tababar ku qaata si ay ammaanka u xaqiijiyaan.

“Mudane wasiir ciidamadan waa kuwo lasoo xulay oo loo tababaray sidii ay uga hortegi lahaayeen qaraxyada iyo falalka ammaan-darrada la xiriira ee ay ka geysanayaan gudaha dalka xoogagga Al-shabaaab,” ayuu yri abaanduulaha oo isaguna goobta hadal ka jeediyay.

Sidoo kale, abaanduuluhu wuxuu sheegay in ciidamadan ay la tababarayay muddo lix bilood ah ayna tabababarayeen saraakiil Soomaali ah, looguna talogalay inay qayb libaax ka qaataan sugidda ammaanka caasimadda.

“Askartan waa kuwo iyagu doortay inay ka mid noqdaan ciidamada xoogga dalka, waana kuwo doonaya inay fuliyaan waajibka qof walba oo Soomaali ah saran, kaasoo ah inay difaacaan qaranimada dalkooda iyo dadkooda,” ayuu abaanduuluhu hadalkiisa raaciyay.

Ugu dambeyn, abaanduuluhu wuxuu sheegay in ciidamada ay tababarka loo soo xiri doono dhawaan, askarigii aan buuxin shuruudaha looga baahan yahayna uu ku hari doono xerada Jasiira si tababarka loogu sii wado.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
6/17/2013 3:23 PM EST
Isniin, Juun 17, 2013 (HOL) —Kenya ayaa billowday qabanqaabad shir caalami ah oo looga tashanayo sidii qoxootiga Soomaalieed ee dalkaas ku nool dib loogu celin lahaa Soomaaliya, kaasoo dhici doona bisha Ogoosto ee sannadkan.

6/17/2013 3:23 PM EST
Isniin, Juun 17, 2013 (HOL) — Ugu yaraan 30-qoys ayaa gargaar raashin ah loogu qaybiyay maanta magaalada Buuhoodle, kaasoo lagu maamuusayay maalinta carruurta Afrika.

6/17/2013 10:43 AM EST
Isniin, Juun 17, 2013 (HOL) — Xarakada Al-Shabaab ayaa kusoo bandhigay barta ay ku leedahay Twitter-ka labo ruux oo Kenyan ah oo ay sheegtay inay ka mid yihiin askarta Kenya oo ay kasoo qafaasheen gobolka Waqooyi-bari ee dalkaas iyo qalab isugu jira hub ay ka mid yihiin qoryaha fudud, rasaas iyo kuwa isgaarsiinta loo isitcmaalo.

6/17/2013 10:10 AM EST
Isniin, Juun 17, 2013 (HOL) — Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayaa waxaa ku dilay xaaskiisii oo shan caruur ah u haysay isla maraana lahayd uur nin lagu magacaabi jiray, Cabdirisaaq Xasan Saney oo isaguna markii dambe is-dilay.

6/17/2013 9:22 AM EST
Isniin, Juun 17, 2013 (HOL) — Kulankan wadatashi ah oo la isugu keenay maamullada gobollada dhexe ee dalka oo ay soo qabanqaabiyeen hay’adaha CRD iyo FCA-Finland oo kaashanaya wasaaradda arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka ee xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho.

6/17/2013 9:14 AM EST
Isniin, Juun 17, 2013 (HOL) — Kaddib howlgal saacadihii aynu soo dhaafnay ay ka sameeyeen ciidamada dowladda iyo kuwa Jabuuti ee howlgalka midowgga Africa AMISOM qeybo ka mid ah gobollka Hiiraan ayeey kula wareegeen deegaanno hoostaga magaalada Baladweyne oo ay horay gacanta ugu hayeen xoogagga Al-shabaab.

6/17/2013 9:13 AM EST
Isniin, Juun 17, 2013 (HOL) — Madaxweynaha maamulka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe ) oo ku sugan magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa sheegay in ujeedka uu halkan u yimid ay tahay sidii uu iskaashi caalami ah ugu raadin lahaa maamulka uu madaxda ka yahay.

6/17/2013 7:46 AM EST
Isniin, Juun 17, 2013 (HOL) — Labaatan sano ayaa maanta ku buuxsantay markii ergaygii Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Admiral Johathan Howe uu amar ku bixiyay in lasoo qabto Jen. Maxamed Faarax Caydiid, xilligaas oo ku beegnayd 17-kii June 1993-kii.

6/17/2013 7:30 AM EST
Isniin, Juun 17, 2013 (HOL) — Tartan kubad cagta ah oo ay ka qeyb-qaadanayaa ilaa sideed kooxood oo ka dhisan afarta xaafadood oo ay ka kooban tahay magaalada Baladweyne, ayaa si rasmi ah uga furmay garoonka kubada cagta Lama-galaan.

6/17/2013 2:15 AM EST
Isniin, Juun 17, 2013 (HOL) — Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Somalia ayaa xalay lagu weeraray bartamaha magaalada Nairobi ee dalka Kenya, xilli ay wateen gaari yar, waxaana kooxaha weerarka geystay oo ahaa rag sitay bastoolado ay ka qaateen xildhibaannada laabtoobyadii ay wateen.

6/17/2013 1:27 AM EST
Isniin, June 17, 2013(HOL) :- Gudiga gacanta ku hayay howsha dhismaha masjidka khadiim ee magaalada Baladxaawo ayaa waxay ka warbixiyeen howsha Dhismaha Masjidkaasi oo ay sheegeen in haatan ay mareeyso wejigii labaad ee dib u dhiska Masjidka, xilli howsha dhismaha masjidka ay socoto mudo haatan laga joogo sedex bilood.