4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 16, 2013
Guddoomiyaha Baarlaamanka oo ka Qaybgalay kulan Dastuurka dalka looga tashanayay oo Muqdisho ka dhacay (SAWIRRO)


Axad, Juun 16, 2013 (HOL) — Kulankan oo ay kasoo qaybgaleen ardayda iyo macalimiinta jaamacadaha, cuuryaamiin, haweenka Soomaaliyeed, ururrada bulshada rayidka, ganacsato, culummaa’uddiin iyo xubno beesha caalamka ka socday oo looga tashanayay dastuurka ayaa maanta ka dhacay xarunta golaha shacabka ee Muqdisho.

Kulankan oo uu shir-guddoominayay guddoomiyaha baarlamanaka ahna ku simaha madaxweynaha Prof. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa ahaa mid lagala tashanayay shacabka Soomaaliyeed geeddi-socodka dastuurka dalka, iyadoo hadallo kala duwan ay ka jeediyeen dadkii kasoo qaybgalay.

Furitaankii kulankan ayaa khudbad ka jeediyay guddoomiyaha baarlamanka Soomaaliya Prof. Jawaari isagoo ka sheekeeyay marxaladihii kala duwanaa ee dastuurku soo marayn, wuxuuna xusay in maanta marxaladda la joogo oo ah marxalad aad loogu farxo in shacabka iyo baarlamaanku ay hal meel ku sugan yihiin iyagoo ka tashanaya dastuurkooda, isagoo shacabka ku boorriyay inay kasoo baxaan kaalinta kaga aaddan dastuurka oo ah midka lgau dhaqi doono.

Guddoomiyaha guddigan, xildhibaanad Maryan Cariif Qaasim oo hadal dheer ka jeedisay kulanka ayaa sharraxday qaybihii bulshada ee kulanka kasoo qaybgalay iyo qorshe howleedka guddiga, waxayna xustay in guddigooda ay mar walba la tashanayaan shacabka Soomaaliyeed, aragtida iyo talooyinka shacabkana ay tahay mida ay ku shaqeynayaan illaa dastuurka uu ka gaaro heer ay shacbiga Soomaaliyeed u codeeyaan.

Xubno ka tirsanaa ka qaybgalayaashii kulanka oo ka socday qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed ayaa iyaguna halkaas kasoo jeediyay fikradahooda, iyagoo hoosta xariiqeen inay aad ugu faraxsan yihiin in lagala tashto maanta aayahooda; waxayna ballan-qaadeen inay si hagar la’aan ah u garab istaagi doonaan dowladdooda.

Gabagabadii kulanka ayaa guddiga dastuurka ee baarlamaanka waxay kala wareegeen dadkii kulanka kasoo qaybgalay qoraallo ay ku muujinayeen talo ay ku darsanayaan datsuurka .

Ugu dambeyn, guddoomiyaha baarlamanka oo kulanka soo xiray ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay mar walba ku xirnaadaan baarlamanka ayna u soo gudbiyaan talooyinkaas ku aaddan dastuurka.

Dastuurka dalka oo ah mid aan afti guud looga qaadin shacabka ayaa wuxuu ka mid yahay qodobbada ay doonayso dowladda hadda jirta inay hirgelisa inta ay xilka hayso.








Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya