4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 16, 2013
Kulan lagu sameeyay sharcigii ugu horreeyay ee jinsiga Soomaaliya oo lagu soo Gabgabeeyay Dalka Uganda (SAWIRRO)


Axad, Juun 16, 2013 (HOL) — Kulan afar maalmood ka socday magaalada Kampala ee xarunta dalka Uganda laguna sameeyay sharciga qabyada ah ee siyaasadda Qaran ee Jinsiga Soomaaliya ayaa waxaa lagu soo gabgabeeyay magaalada  Kampala ee xarunta dalka Uganda.

Sameynta sharcigan ayaa waxaa dowladda Soomaaliya ka caawiyay AMISOM iyadoo la sheegay in sharcigan uu yahay mid lagu doonayo in dumarka iyo ragga Soomaaliyeed ay u sinnaadaan howlaha dowladda iyo kuwa kale ee ku saleysan siyaasadda dalka.

Warbixin laga soo saaray gunaanadkii kulanka ayaa lagu sheegay in tani ay weyn ka qaadanayso sidii lagu tirtiri lahaa u sinnaan la’aanta haweenka iyo ragga Soomaaliyeed ee howlaha siyaasadda iyo kuwa kale ee xukuumiga ah.

Kulanka ayaa waxaa fududeeyay xafiiska shacabka ee AMISOM, waxaana ka qaybgalay xubno ka socday dowladda, xildhibaanno, ururrada bulshada oo ay ka jiraan kuwa haweenka, culummaa’uddiin, hoggaamiyeyasha bulshada iyo curyaamiin. Sidoo kale waxaa goobjoog ka ahaa afhayeennada milateriga iyo booliiska AMISOM iyo madaxa xafiiska jinsiga ee AMISOM.

Afartii maalmood ee uu kulanku socday waxay ka qaybgalayaashu isku dhaafsadeen fikrado ku saabsan sameynta sharcigan, iyagoo si qoto-dheer uga dooday sidii ay sharcigan uga dhigi lahaayeen mid dadku fahmaan.

Gabagabadii kulanka oo shalay soo xirmay ayaa waxaa madaxa xafiiska siyaasadda ee AMISOM uu ku wareejiyay sharciga qabyada ah agaasimaha waaxda haweenka iyo caruurta ee wasaaradda horumarinta adeegga bulshada xukuumadda Soomaaliya.

Sharcigan oo ah midkii ugu horreeyay noociisa oo loo sameeyo Soomaaliya ayaa waxaa la horgeyn doonaa baarlamaanka Soomaaliya si ay u ansixiyaan, iyadoo marka uu baarlamaanku ogolaado uu noqonyo mid si rasmi ah u dhaqa-gala.









Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho Soomaaliya