4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 16, 2013
Al-shabaab oo Degmo Cusub u Magacowday Deegaanka Wabxo ee Gobolka Galguduud kuna hanjabtay dagaallo cusub

Axad, Juun 16, 2013 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ayaa degmo cusub u magacowday deegaanka Wabxo ee gobolka Galguduud, waxaana mas’uul u hadlay uu ku goodiyay inay weerar ku yihiin degmada Guriceel ee gobolka Galguduud oo uu ka taliyo maamulka Ahlusunna Waljamaaca oo gacan-saar la leh dowladda Soomaaliya.

Madaxa siyaasada iyo gobolada Al-shabaab, Sheekh Xuseen Cali Fiidow oo ka hadlay munaasabadda lagu magacaabay degmada cusub ayaa sheegay in Al-shabaab ay ka go’an tahay inay sii waddo dagaallada ay kula jirto kuwa kasoo horjeeda oo ay ku jirto Ahlusunna.

“Waa in shacabka ku nool Wabxo ay u diyaar-garoobaan dagaal cadwoga looga saarayo degmada Guriceel, waayo degmada ugu dhow ee Wabxo waa Guriceel, cadow ayaana gacanta ku haya,” ayuu yiri Sheekh Xuseen Fiidoow.

Sidoo kale, mas’uulku wuxuu sheegay in Al-shabaab aysan joojinayn dagaal inta uu hirgalayo hadafkooda oo ah inay dalka oo dhan kusoo rogaan xukun Islaami ah, wuxuuna ku boorriyay dagaalyahannadooda inay u adkeystaan dhibaatooyinka kasoo gaaraya dagaallada.

Deegaanka Wabxo ee ay Al-shabaab u magacowday degmada ayaa waxay u dhexeysaa degmooyinka Guriceel iyo Ceelbuur oo kawada tirsan gobolka Galguduud ee bartamaha Soomaaliya.

Waa markii ugu horeysay oo Al-shabaab ay degmo u magacowdo deegaan ka tirsan bartamaha Soomaaliya oo ay kula dagaalamayso ciidamada dowladda Soomaaliya, kuwa caawinaya iyo Ahlusunna oo ah koox diimeed gooni-u-taagan, balse xiriir xooggan uu kala dhexeeyo dowladda.

Ma jiro hadal kasoo baxay dowladda Soomaaliya ay kaga hadleen go’aanka Al-shabaab degmo ugu magacowday deegaanka Wabxo, waxaana weli ay ka taliso Al-shabaab deegaanno dhowr ah oo ku yaalla gobollada dhexe ee dalka Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya