4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 16, 2013
Kulank ku saabsan horumarinta waxbarashada dhalinyarada oo lagu qabtay Maanta Magaalada Muqdisho (SAWIRRO)


Axad, Juun 16, 2013 (HOL) — Dood-cilmiyeed ku saabsanaa horumarinta waxbarashada dhallinyarada gobolka Banaadir ayaa maanta lagu qabtay degmada C/casiis ee Muqdisho, taasoao la sheegay inay qayb ka tahay sidii dhalinyarada looga hor-istaagi lahaa inay ku biiraan Al-shabaab.

Dood-cilmiyeedka oo ay soo qaban-qaabisay hay'adda CCD ayaa waxaa ka soo qayb-galay mas'uuliyiinta ka tirsan maamulka gobolka Banaadir, kuwa degmada C/casiis iyo ardayda iskuuladda waxbarashada ee degmadaas.

Guddoomiyaha degmada C/casiis, C/llaahi Xuseen Xasan (Fanax) oo furay doodda ayaa sheegay inay sharaf weyn u tahay in degmadiisa lagu qabto dood -ilmiyeedkan, isagoo sheegay in qorshan uu yahay mid wax weyn ka tari doona waxbarasho la’aanta dhallinyarada Muqdisho.

"Waxaa sharaf weyn noo ah in maanta degmada Cabdulcasiis lagu qabto kulankan ay isku arkayaan dhallinyarada, waxaa kawada hadleynana waa qorshe wax u tar u ah mustaqbalka dhallinyarada iyo sidii ay dalkooda uga saari lahaayeen burburka," ayuu yiri Fanax.

Sidoo kale, guddoomiyaha ayaa sheegay in xilli adag lagu jiro, isla markaana looga baahan yahay in dhallinyarada ay samata-bixiyaan, isagoo xusay in dhallinyarada degmada C/casiis ay maalmaha Khamiista iyo Jimcaha ah ku marti-geliyaan xeebta Liido dhallinyarada degmooyinka gobolka Banaadir.

Agaasimaha xiriirka degmooyinka ee maamulka gobolka Banaadir, Mukhtaar Maxamed Axmed oo isna kulanka ka hadlay ayaa sheegay in doorka dhalinta uga aaddan inay helaan waxbarasho wanaagsan ay tahay mid aan sinnaba looga maarmin, isagoo xusay in qofka markuu wax-barto aan si fudud looga bedeli karin maskaxda.

Guddoomiye ku-xigeenka dhinaca nabadgelyada ee gobolka Banaadir, ahna ku-simaha guddoomiyaha gobolka Banaadir, Warsame Maxamed Xasan (Joodax) ayaa isaguna doodda ka sheegay in haddii aan la iska kaashan sidii amniga lagu xoojin lahaa aanay jiri doonin waxbarasho, isagoo ugu baaqay dhallinyarada inay marka hore nabad-galyada ka qeyb qaataan, isla markaana ay xoojiyaan waxbarashadooda.

"Wixii naga lumay inaan dib u saxno ayaa nalaga doonayaa, waxbarashada waxay ku jirtaa nolosha, waayo hadaadan wax-baran berri horumar ma gaaraysid, waxaan baneynay illaa 90-iskuul kuwaasoo loogu talogalay in wax lagu barto, taasna haddaan maamulka nahay waa inaan ka qayb-qaadanaa," ayuu yiri Warsame Joodax.

Sidoo kale, guddoomiyaha horumarinta dhallinyarada Soomaaliyeed, Abshir Axmed (Abshir Black) oo hadlay ayaa sheegay in kaalinta waxbarashada kaga aaddan dhalinta ay tahay mid ballaaran, isla markaana ay tahay in la siiyo muhiimad weyn, lana ogaado in macalinka wuxuu barayo ardayga, isla markaana lala socdo dhaq-dhaqaaqa iskuullada, si aanay u dhicin in fikrad qaldan lagu shubo ardayga.

Ugu dambeyn waxaa hadlay mas’uuliyiin ka socday degmooyinka Waabari, Dayniile iyo Kaxda kuwaasoo sheegay in dhallinyaradu ka go'an tahay sidii wax u baran lahaayeen, si aan loo marin habaabin, waxayna hay’adda CCD uga mahadceliyeen kaalita ay ka qaadanayso kobcinta wacyiga bulshada.







Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho Soomaaliya