3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 16, 2013
Shirkadda Google oo Hawada sare u dirtay Buufinno ay Internet Raqiis ah ku Gaarsiinayso dalalka Ciriiriga Internet qaba


Axad, Juun 16, 2013 (HOL) — Shirkadda Google ayaa waxay sheegtay inay u dirtay hawada sare 30-buufin oo ay doonayso inay Internet aad u jaban ay ku gaarsiiso dunida oo dhan, gaar ahaan goobaha uu ciriiriga Internet ka jirto.

Warbixin ay shirkaddu soo saartay ayay ku sheegtay in hawada New Zealand ay ku daysay buufinnadan oo ah kuwo tijaabo ah, iyadoo sheegtay in looga gol-leeyahay in Internet lagu gaarsiiyo goobaha miyaga ah, meelaha fog-fog ee aan laga heli karin internet iyo dhulalka ciriiriga Internet qaba.

Madaxa mashruucan oo loo bixiyay Loon, Mike Cassidy ayaa sheegay in hadfakoodu yahay sidii ay internet jaban ku gaarsiin lahaayeen dunida oo dhan. Isagoo xusay in dalalka ay diiradda saarayaan ay u badan yihiin kuwa ku yaalla Afrika, wuxuuna intaas ku daray in qarashka Internet kaga baxa uu ka badan yahay kharasha ay bishii helaan.

“Waxaan diiradda saarayno waa xallinta arrin weyn, kumana fikirayno inaan xallinno dhibaatada maanta taagan oo keliya,” ayuu sheegay isagoo dalka New Zealand ku sugan. “Laakiin qorshaheennu waa sidii ay Internet jaban u heli lahaayeen shan billion oo qof oo caalamka ku firirsan.”

Banooniyadan ay hawada u dirtay shirkadda Google ayaa la sheegay inay bixin karaan Internet xawaarihiisu yahay ugu yaraan 3G, kaasoo ka saacidaya dadka aan internet-ka haysan inay ka faa’iideystaan.

Tijaabadan ayaa noqonaysa tii ugu horreysay ee dunida laga sameeyo si ay u helaan dadka ciriiriga Internet qaban Internet ku filan oo ay howlahooda ku qabsadaan, iyadoo shirkaddu ay sheegtay inay ballaarinayso howshan billowga ah.

Soomaaliya ayaa waxay ka mid tahay dalalka uu ka jiro ciriiriga Internet-ka, iyadoo tani ay fursad weyn siinayso dad badan oo dhibaatooyin kala duwan ku qaba helitaanka Internet-ka ama uu aad u badan yahay kharashba kaga baxa helidda Internet ku filan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
6/16/2013 4:12 PM EST
Axad, June 16, 2013(HOL)— Kulankaan oo socday laba maalmood 15 - 16 June ayaa waxaa looga hadlaayey qodobo dhawr ah oo ku saabsan taabagalinta iyo horumarinta olombikada wadamada addunka. Waxaa goob joog ahaa 201 waddan oo ka mida 204ta waddan ee ururkan xubnaha ka ah. Waxaan soo xaadirin wadamada Tuvalu iyo Liberia oo soo cudur daartay iyo India oo ganaaxan kadib markay dawladdoodu faragalin ku sameysay hab maamulka olombikada dalkaas.

6/16/2013 1:15 PM EST
Axad, Juun 16, 2013 (HOL) — Kulankan oo ay kasoo qaybgaleen ardayda iyo macalimiinta jaamacadaha, cuuryaamiin, haweenka Soomaaliyeed, ururrada bulshada rayidka, ganacsato, culummaa’uddiin iyo xubno beesha caalamka ka socday oo looga tashanayay dastuurka ayaa maanta ka dhacay xarunta golaha shacabka ee Muqdisho.

6/16/2013 12:09 PM EST
Axad, Juun 16, 2013 (HOL) — Kulan afar maalmood ka socday magaalada Kampala ee xarunta dalka Uganda laguna sameeyay sharciga qabyada ah ee siyaasadda Qaran ee Jinsiga Soomaaliya ayaa waxaa lagu soo gabgabeeyay magaalada Kampala ee xarunta dalka Uganda.

6/16/2013 8:56 AM EST
Axad, Juun 16, 2013 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ayaa degmo cusub u magacowday deegaanka Wabxo ee gobolka Galguduud, waxaana mas’uul u hadlay uu ku goodiyay inay weerar ku yihiin degmada Guriceel ee gobolka Galguduud oo uu ka taliyo maamulka Ahlusunna Waljamaaca oo gacan-saar la leh dowladda Soomaaliya.

6/16/2013 8:40 AM EST
Axad, Juun 16, 2013 (HOL) — Xiisado ayaa ka taagan degmada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellada dhexe iyo deegaannada ku dhow-dhow kaddib dagaal u dhexeeyay ciidamada maamulka gobolkaas iyo kooxo hubeysan ku dhexmaray duleedka degmada Jowhar.

6/16/2013 8:38 AM EST
Axad, Juun 16, 2013 (HOL) — Dood-cilmiyeed ku saabsanaa horumarinta waxbarashada dhallinyarada gobolka Banaadir ayaa maanta lagu qabtay degmada C/casiis ee Muqdisho, taasoao la sheegay inay qayb ka tahay sidii dhalinyarada looga hor-istaagi lahaa inay ku biiraan Al-shabaab.

6/16/2013 5:39 AM EST
Axad, Juun 16, 2013 (HOL) — Hoggaamiyaha qun-yar socodka ah ee dalka Iiraan, Xasan Ruuxaani ayaa ku guuleysatay doorashooyinkii madaxnimo ee dalka Iiraan isagoo helay codad gaaraya 18,613,329 oo u dhiganta 50.72% codadkii la dhiibtay.

6/16/2013 5:10 AM EST
Axad, Juun 16, 2013 (HOL) — Ugu yaraan toddoba qof ayaa ku dhintay qarax weyn oo ka dhacay shalay biibito shaaha laga cabo oo ku taalla degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellada hoose, kaasoo dowladdu ay ku eedeysay inay ka dambeysay Al-shabaab.