4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 1 , 2013
Prof. Axmed Ismaaciil Samatar oo ku Wajahan Somaliland iyo soo dhaweyn loo sameynayo oo ka socota Hargeysa


Sabti, Juun 01, 2013 (HOL) — Xukuumadda Somaliland ayaa guddi heer Qaran ah u saartay soo dhaweynta, Prof. Axmed Ismaaciil Samatar oo lagu wado inuu Magaalada Hargeysa tago maalinta Berri ah oo ku beegan Axad.

Wasiirka kalluumaysiga iyo kheyraadka baddaha Somaliland, C/laahi Jaamac Cismaan (Geel-jire) oo ka mid ah guddida ay xukuumaddu u saartay qaban-qaabada soo dhaweynta Prof. Samatar ayaa saxaafadda u xaqiijiyay.

Geel-jire ayaa sheegay inay jiraan guddi aqoon-yahanno ah sidoo kale isku xil-saaray soo dhaweynta aqoon-yahankan, kuwaasoo la shaqeynaya guddi ay dowladda Somaliland u saartay soo dhaweynta.

“Prof. Axmed Ismaaciil Samatar wuxuu imanayaa maalinta Axadda ee 02-da bishan Juun, waxaanu kasoo degaya garoonka diyaaradaha ee Berbera 180-km u jirta magaalada Hargeysa, xukumadduna waxay ugu talogashay inay u soo dhaweyso hab maamuus sare leh, maadaama ay xukuumaddu casuuntay,” ayuu wasiirku u sheegay saxaafadda Somaliland.

Wasiirka oo sii hadalaya ayaa yiri: “Waxaa jira boorar uu ka muuqdo Prof. Samatar oo lagu dhajiyay magaalada Hargeysa, kuwaasoo loogu talo-galay in lagu muujiyo soo dhaweyntiisa.”

Sidoo kale, wasiirku wuxuu sheegay in Prof. Samatar markuu uu soo gaaro magaalada Berbera laga soo qaadi doono diyaarad gaar ah oo lagu keenayo magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland.

Prof. Axmed Ismaaciil Samatar oo ah aqoon-yahan kasoo jeeda Somaliland muddana ku noolaa dalka Maraykanka, balse muddo dheer kasoo horjeeday qadiyadda iyo gooni-isku-taagga Somaliland una ololeyn jiray in Soomaaliya ay mid ahaato oo aan la kala jarin.

Dhawaan ayuu Prof. Samatar oo ka mid ahaa xildhibaannada baarlamaanka federaalka Soomaaliya wuxuu ku dhawaaqay inuu xilkaas iska casilay, balse wuxuu beeniyay inuu jiro xiriir dhexmaray isagaa iyo maamulka Somaliland.

Dhanka kale, Prof. Samatar wuxuu ka mid ahaa xubnihii isku sharraxay xilka madaxweynenimo ee Soomaaliya, balse ma uusan helin codad badan, isagoo ahaa guddoomiyaha xisbiga HIIL-QARAN oo xaruntiisa weyn ay Muqdisho ku taallo.

Khadro Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Boorame, Somaliland