4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 1 , 2013
Tartankii Ciyaaraha Gobollada Somaliland oo si Rasmi ah Berri uga Furmaya Magaalada Hargeysa iyo Isku-aadka Kooxaha

Sabti, Juun 01, 2013 (HOL) — Wasaaradda  Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland ayaa maanta ku dhawaaqday isku aadka kooxaha Gobolada Somaliland oo maalinta berrito ee Axadda ka furmi doona magaaladda Hargeysa.

Agaasimaha guud ee wasaaradda ciyaaraha Md. Mustafe Maxamuud Qodax iyo gudida qabanqaabada ee tartanka ciyaaraha gobolada Somaliland ayaa soo saaray isku aadka ciyaaraha goboladda, isla markaana u kala qaybiyey saddex kooxood .

Group A: waxa uu ka kooban yahay shanta gobol oo kala ah: Maroodijeex, Buuhoodle, Saraar, Sanaag, iyo Selel.

Group B: waxa uu ka kooban yahay Gobolada kala ah, Gobolka Hawd, Badhan, Saaxil iyo Daad madheedh.

Group C: waxa uu ka kooban yahay Sool, Awdal, Gebiley iyo Togdheer.

Dhinaca kale, Tartanka kubadda kolayga ayaa isna loo qaybiyey laba kooxood, waana sidan:
Group A: wuxuu ka kooban yahay gobolka Maroodijeex, Hawd iyo Sanaag.

Group B: oo ka kooban afar gobol ay ku wada jiraan Kooxaha Awdal, Gebiley, Saaxil iyo Togdheer.

Si kastaba ha ahaatee, tartanka goboladda ayaa barri oo Axad ah si rasmi ah uga bilaabmi doonna magaaladda Hargeysa, kaas oo si weyn loo sugayey, maadaama oo dhawr jeer oo hore dib u dhacay tartanku.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland