4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 1 , 2013
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay oo ku Baaqay in la Dar-dar-geliyo dib u soo celinta Nabadda Somalia


Sabti, Juun 01, 2013 (HOL) — Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay oo ka qaybgalaya shirka TICAD ee horumartinta Qaaradda Afrika oo ka socda magaalada Yokolohama ee dalka Japan ayaa ku booriyay beesha caalamka inay xoojiyaan qorshaha nabad raadinta Soomaaliya, si loo abuuro deegaan soo jiita dalxiisayaasha iyo dimuqraadiyad ka dhalata Soomaaliya.

Ban Ki-Moon ayaa sheegay in loo baahan yahay in la xoojiyo awoodda shacabka si ay uga qaybqaataan dib u dhiska dalkooda, sidoo kalena dowladda Soomaaliya lagala shaqeeyo sidii ay ammaanka u sugi lahayd.

Xiisadda ka taagan magaalada Kismaayo oo sannadkii hore laga saaray Al-shabaab ayuu sheegay inay tahay mid u baahan wadahadal dhexmara dadka deegaannadaas ku nool si loo xoojiyo wada-noolaasho dhexmarta iyo in laga hirgeliyo sharciga iyo kala dambeynta.

“Dib-u-habeynta garsoorka, hagaajinta kaabayaasha bulshada iyo xoojinta awoodda dadweynaha iyadoo tababarro la siinayo waa arrimaha muhiimka ah ee ay Soomaaliya u baahan tahay maanta,” ayuu hadalkiisa ku daray.

Ki-Moon wuxuu sheegay in Qaramada Midoobay ay sii wadi doonto kaalmada ay siiso Soomaaliya si loo xaqiijiyo dhaqaalaha bulshada iyo tiirarka siyaasadda si loo helo deegaan ku habboon bulaalidda ganacsiga, lana soo afjaro colaadaha si ay dadku awood ugu yeeshaan inay kobciyaan noloshooda.

Dhanka kale, ra’iisul wasaaraha Japan, Shinzo Abe ayaa shirka ka sheegay in loo baahan yahay in xeebaha Soomaaliya la cirib-tiro burcad-badeedda si dalka uu noqdo mid hela xasillooni iyo deggaansho horumar leh.

“Waxaan ku talinayaan in si dhaqso ah loo horumariyo nolosha shacabka Soomaaliyeed iyadoo loo marayo tababarro, sida dhinacyada caafimaadka, waxbarashada, biyaha iyo dib u dhiska kaabayaasha bulshada,” ayuu Abe ka sheegay shirka horumarinta ee Afrika.

Shinzo Abe wuxuu sidoo kale xusay in xoojinta awood-dhisidda dadka ay ka mid tahay waxyaabaha dib u soo noolaashaha dhaqaalaha dalka, kaddib 22-sano oo colaado sokeeye ah.

Ugu dambey, madaxweyne ku xigeenka Kenya oo isaguna hadal ka jeediyay shirka ayaa ugu baaqay qurbo-joogta Soomaaliya inay dib ugu laabtaan dalkooda ayna ka qaybqataan dib u dhiska dalkooda. Isagoo xusy in Kenya, dowladda Soomaaliya iyo hay’adda qoxootiga adduunka ee UNHCR ay qayb ka qaadanayaan sidii qoxootiga Soomaaliyeed dib loogu celin lahaa dalkooda.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya