4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 1 , 2013
Ciidammo ka socda dalka Sierra Leone oo qayb ka ah howlgalka AMISOM ee Soomaaliya oo soo gaaray Magaalada Kismaayo

Sabti, June 01, 2013(HOL) :-Waxaa magaalada Kismaayo soo gaaray ciidamo ka socda dowladda Sierra Leone oo iyagu qeyb ka ah howlgalka AMISOM ay ka wado Soomaaliya, waxaana ciidamadani oo sitay gaadiidka dagaalka iyo kuwa ciidamada daabula ay kasoo dageen marsadda caalamiga ah ee magaalada Kismaayo.

Ciidamadan oo ku qalbeeysnaa hubka noocyadiisa kala duwan, taangiyo iyo gaadiidka ciidamada daabula ayaa maanta lagu arkayay qeybo katirsan magaalada, waxaana markii ay ciidamadu soo dageen ay fariisimo ka sameysteen garoonka diyaaradaha iyo saldhigyada dhanka waqooyi ee magaalada Kismaayo.

Sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda oo ku sugan Kismaayo ayaa HOL u xaqiijiyay in ciidamadani ay hordhac u yihiin askar ka socota dowladda Sierra Leone oo la filayo in ay maalmaha soo socda soo gaaraan magaalada, waxaana ilaa imika cadeyn tirada rasmiga ah ee ciidamada hadda yimid.

Sidoo kale cutubyo ka tirsan ciidamada ka socda dowladda Sierra Leone ayaa todobaadyo kahor  la geeyay deegaanada ku yaal galbeedka gobolka J/hoose, waxaana goobaha ay imika ku suganyihiin ka mid ah deegaanada Dhoobleey iyo Qooqaani.

Dowladda Sierra Leone ayaa qeyb ka ah wadamada Afrika ee ciidamada usoo diray Soomaaliya si ay qeyb uga noqdaan ciidamada ka socda dalalka Uganda, Brundi, Kenya, Jabuuti  iyo Nigeria ee ku sugan dalka Soomaaliya islamarkaana dagaalka kula jira xarakada Al-shabaab oo iyadu si weyn uga soo horjeedda dowladda Soomaaliya iyo ciidamada AMISOM.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya