4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 1 , 2013
Wasiirka Gaashaandhiga Somalia oo weli Kismaayo ku sugan iyo Wasiirradii la socday oo dib ugu laabtay Muqdisho

Sabti, June 01, 2013Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya iyo xubno ka tirsan golaha baarlamanka Soomaaliya ayaa weli ku sugan magaalada Kismaayo iyadoo maalinimadii shalay ay magaalada Kismaayo dib uga laabteen xubno uu horkacayay wasiirka warfaafinta boostada iyo isgaarsiinta Mudane C/laahi Ciilmooge Xirsi.

Wafdiga uu horkacayay wasiirka gaashaandhigga ayaa gudaha magaalada Kismaayo soo galay maalinimadii Arbaca ee aynu kasoo gudubnay kadib afar maalmood oo ay ku xayirnaayeen garoonka diyaaradaha Kismaayo, waxaana magaalada uga soo horeeyay  guddi ka kooban xildhibaanno oo ay dowladdu u xilsaartay arimaha Jubooyinka, iyadoona mudadii uu wafdiga Kismaayo joogay ay kulamo la qaateen saraakiisha ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM, sida uu warbaahinta u xaqiijiyay wasiirka warfaafinta .

Ilaa imika ma cadda waxyaalaha looga wada hadlay kulamada ay masuuliyiintani la qaateen saraakiisha ciidamada, waxaana ilaa imika jirin masuuliyiin ka tirsan dowladda oo saxaafadda uga warbixiyay kulamada iyo weliba waxyaalaha looga wadahadlay.

Wasiirka warfaafinta oo shalay gaaray magaalada Muqdisho kana mid ahaa masuuliyiintii la socotay wafdigii uu hogaaminayay wasiirka gaashaandhigga ee Kismaayo gaaray ayaa sheegay in ay kulamo la qaateen saraakiisha ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM, wuxuuna intaa ku daray in aysan jirin wax kulamo ah oo ay la qaateen masuuliyiinta sheeganeeysa hogaanka Jubaland ee ku sugan Kismaayo.

Dhinaca kale waxaa weli hawada ka maqan isgaarsiintii magaalada Kismaayo, taasoo la jaray maalinimadii Abacada ee uu magaalada soo gaaray wafdigii wasiirada iyo saraakiisha ciidamada ee uu hogaaminayay wasiirka gaashaandhigga Mudane C/xakiin Max’uud Xaaji Fiqi.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya