4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 9 , 2013
Qarax Muqdisho lagula eegtay Gaadiid ay wateen Askar katirsan ciidamada Dowladda

Talaado, July 09, 2013(HOL) :- Waxaa goordhawayd suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho qarax lagula eegtay gaadiid nooca raaxada oo ay wateen askar ka tirsan ciidamada dowladda, iyadoona qaraxaasi uu sababay dhaawacyo soo gaaray laba askari.

Goobjeegayaal ku sugan Bakaaraha ayaa HOL u sheegay in qaraxu uu ka dhacay Bakaaraha gaar ahaan agagaarka suuqa dawada, waxayna sheegeen in ruux uu bam gacmeed ku tuuray gaari ay saarnaayeen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda.

“Qof ayaa bam gacmeed ku tuuray gaariga, qaraxuna wuu xoogana, meeshana waa lagu kala cararay,” ayuu yiri goobjooge ku sugnaa agagaarka halka uu qaraxa ka dhacay.

Gaadiidka qaraxa lala eegtay ayaa la sheegay in ay saarnaayeen afar askari oo laba kamid ah ay dhaawacyo gaareen, waxaana qaraxa kadib halkaasi gaaray ciidamo ka tirsan kuwo booliska degmada Howlwadaag, kuwaasoo goobta ka bilaabay baaritaanno la xiriira qaraxa.

Ilaa imika ma cadda cidda ka danbeeysay qaraxaasi, mana jiraan masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Banaadir oo ka hadlay arintaasi.

Weerarkan ayaa  kusoo beegmaya iyadoo dowladda Soomaaliya ay shaaca ka qaaday in ay sameysay ciidamo gaar ah oo ka shaqeyn doona amniga magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.