4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 8 , 2013
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya oo safar laba casho qaadanaya ku jooga Magaalada Baydhabo (SAWIRRO)


Isniin, July 08, 2013 (HOL) — Ra'iisul wasaare Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa booqasho laba maalmood ah ku jooga magaalada Baydhabo ee xaunta gobolka Bay, halkaasoo ay saakay gaareen.

Safarkan ayaa waxaa ra’iisul wasaaraha ku wehliya wasiirka gaashaandhiga, C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi, wasiirka ganacsiga, Maxamed Axmad Xasan, wasiir ku xigeenka wasaaradda horumarinta adeegga bulshada, Maxamuud Macallin Yaxye, xildhibaanno, saraakiil iyo Malaaqyo kasoo jeeda gobollada Bay iyo Bakool.

Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa isaguna ka mid ahaa xubnihii la socday ra'iisul wasaaraha Soomaaliya ee maanta gaaray magaalada Baydhabo ee gobolka Bay.

Wasiirka gaashaandhiga oo warbaahinta uga warbixiyay ujeeddada safarka ayaa sheegay in looga gol-leeyahay sidii loola kulmi lahaa qaybaha kala duwan ee bulshada, gaar ahaana maamulka gobolka, malaaqyada, urrurada bulshada rayidka iyo saraakiisha ciidamada qalabka sida, iyadoo diiradda la saari doono sidii amni loogu soo dabaali lahaa gobolada Bay iyo Bakool.

"Si gaar ah waxaan ugu kuur-geli doonnaa amniga iyo howlaha la xiriira sida dagaalka lagula jiro Al-shabaab oo la xoojiyo,” ayuu yiri Fiqi oo hadalkiisa ku daray in ra'iisul wasaaruhu uu kulammo hordhac ah la qaatay saraakiisha ciidamada, maamulka gobolka, odayaasha, waxgaradka iyo malaaqyada gobolka.

Safarka Ra'iisul Wasaaraha ayaa qeyb ka ah safaro uu horay ugu kala bixiyay gobolada dalka Soomaaliya, taasoo uu ugu kuurgalayay xaaladdaha dhabta ah ee bulshada ku dhaqan gobolada, isla markaana shacabka loo gaarsiiyo qorshayaasha dawladda.








Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya