3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 8 , 2013
Xisbi ka mid ah axsaabta siyaasadeed ee dalka ka jira oo dowladda Somalia ku eedeeyay Wax-qabad la’aan (SAWIRRO)


Isniin, July 08, 2013 (HOL) — Xisbi ka mid ah xisbiyada siyaasadeed ee dalka ka jira ayaa dowladda Soomaaliya ku eedeeyay waxqabad la’aan halkii sano ee ay jirtay, waxaana hadalkan sheegy guddoomiyaha xisbiga Dadka, Saciid Ciise Maxamuud oo maanta shir jaraaid ku qabtay Muqdisho.

Guddoomiyaha oo kasoo laabtay safar uu muddo ugu maqnaa Mareykanka ayaa sheegay sheegay in dowlada Soomaaliya aysan sannad kaddib qaban waxyaabo badan oo ay ballan-qaaday markii ay xilka qabanaysay.

“Hal sano ka hor markii dowladda hadda jirta ay xilka qabaneysay waxaa rajo wanaagsan laga qabay inuu dalka ka dhici doono isbedel la taaban karo, balse sanad kaddib waxaad moodaa in rajadaas ay soo gaabatay,” ayuu yiri guddoomiyaha xisbiga Dadka oo intaa ku daray in dowladda Somalia ay ku guul-dareysatay in soo celiso adeegyadii asaasiga ahaa ee bulshada oo ugu horreeyo amniga.

Guddoomiyaha xisbiga Dadka ayaa sidoo kale sheegay in hal sano kaddib ay weli dowladdu ku taagan tahay ciidammo shisheeye, aysanna wax badan ka qabanin dib u dhiska ciidamada ammaanka iyo kuwa xoogga si dowladdu ay ugu tiirsanaato ciidamadeeda, isagoo tilmaamay in ciidamada dalka jooga ay maalin maalmaha ka mid ah dib ugu laaban doonaan dalalkooda.

“Sida dimuquraadiyaddu sheegayso dowladda waxaa laga rabaa inay la timaaddo hab wanaagsan oo ay kula dhaqanto mucaaradkeeda, kuwa hubka wata iyo kuwa aan hubka wadan, haddii aysan mucaaradkeeda si wanaagsan ula macaamilin kuma dhaqmayso dimuqraadiyad,” ayuu hadalkiisa ku daray.

Dhanka kale, Saciid Ciise wuxuu sheegay in xiisadaha ka taagan magaalada Kismaayo ay ceeb weyn ku keentay dowladda Somalia, dowladduna ay kari weysay inay xal waara u hesho, isagoo xusay in wixii hadda ka dambeeya xisbigiisu uu noqon doono mucaarad ka hadla waxyaabaha dowladdu ay ku marin habowday iyo qaladaadka ay ku jirto.

“Waxyaabaha aan dalka ugu soo laabtay waxaa ugu weyn inaan tilmaanno wixii ka khaldan dowladda, wadatashi badan ayaanu sameynaynaa, dad badan ayaa fikirkaas nala wadaaga oo meelo kala duwan jooga xogtooda ayaan ururinaynaa,” ayuu intaa ku daray Saciid Ciise.

Guddoomiyaha xisbiga Dadka ayaa wuxuu ka mid ahaa murashaxiintii xilka madaxnimo kula tartamay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh oo isaguna markaas ka mid ahaa hoggaamiyeayasha xisbiyadii dalka ka jirtay.







Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
7/8/2013 3:46 PM EST
Isniin, July 08, 2013 (HOL) — Askari ka tirsan ciidamada dowladda Somalia ee ku sugan Baydhabo ayaa caawa fiidkii ku toogtay degmadaas haweeney rayid ah oo dhashay sideed caruur ah, iyadoo aan la ogeyn sababta keentay in askarigu uu toogto haweeneydaas.

7/8/2013 3:36 PM EST
Isniin, July 08, 2013 (HOL) — Ra'iisul wasaare Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa booqasho laba maalmood ah ku jooga magaalada Baydhabo ee xaunta gobolka Bay, halkaasoo ay saakay gaareen.

7/8/2013 3:01 PM EST
Isniin, July 08, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa loogu soo dhaweeyay xarunta dalka Koonfurta Suudaan ee Jubba, iyadoo garoonka ay kusoo dhaweeyeen xubno uu ka mid ahaa madaxweynaha dalkaas, Salva Kir.

7/8/2013 1:34 PM EST
Isniin, July 08, 2013 (HOL) — Marka aad dhaxmarto ama booqato goobaha ganacsiga magaalada Baladweyne waxaa arkeysaa diyaar-garoow baaxad leh oo ay dadku ugu jiraan bilishada bisha barkeysan ee Ramadaan oo maalin uu inaga xigto.

7/8/2013 12:42 PM EST
Isniin, July 08, 2013 (HOL) — Siyaasiyiin, isimmo iyo waxgarad kasoo jeeda gobollada Puntland ayaa maanta kulan ballaaran ku yeeshay magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar. Kulanka ayaa ahaa mid looga arinsanayey xaaladda siyaasadeed ee Puntland, islamarkaa loogu gogol xaarayey shir-weyne kan dhiggiisa ah oo bisha soo socota 20-keeda isla magaalada Qardho ka dhici doona.

7/8/2013 11:27 AM EST
Isniin, July 08, 2013(HOL) :- Shirkadda diyaaradaha Air Uganda ayaa maanta duulimaadkeedii ugu horeeyay ku tagtay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya, iyadoona shirkaddu ay sheegtay in ay bilaabi doonto duulimaadyo ay isbuucii sedex mar ku tagi doonto magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya.

7/8/2013 8:35 AM EST
Isniin, July 08, 2013 (HOL) — Xildhibaannada baarlamaanka Somalia ayaa maanta ansixiyay hidise sharciyeedka dhismaha maamullada gobollada iyo degmooyinka dalka, kaddib markii qodobbada hidisahan wax laga bedelay.

7/8/2013 8:33 AM EST
Isniin, July 08, 2013 (HOL) — Wajigii labaad ee wadahadallada Soomaaliya iyo Somaliland ayaa ka furmay maanta magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga, waxaana wadahadallada ka qaybgalaya wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Turkiga.

7/8/2013 6:42 AM EST
Isniin, July 08, 2013 (HOL) — Diyaarad saakay ka qaaday madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho ayaa waxaa lasoo daristay cillad iyadoo dib loogu soo celiyay Muqdisho.

7/8/2013 4:12 AM EST
Isniin, July 08, 2013 (HOL) — Rug ganacsi oo ay ku mideysan yihiin xubno isugu jira ganacsato iyo dad xirfadleyaal ah ayaa laga furay magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota oo halka ay ku nool Soomaalida ugu badan ee ku nool dalka Mareykanka, waxaana madashii xariga looga jarayay kasoo qeybgalay dad fara badan oo isugu jiray qeybaha bulshada, kuwaasoo qaarkood hadallo ay jeediyeen ku sheegay in fursaddaan ay ahayd mid loo baahnaa oo waqtigeedi ku soo beegantay.

7/8/2013 4:06 AM EST
Isniin, July 08, 2013 (HOL) — Tartan aqooneed dhex-maray 16 dugsi sare iyo machad ku kala yaalla gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn ayaa lagu soo gabagabeeyay hoolka Jaamacadda Nugaale ee magaaladda Laascaanood ee Gobolka Sool.

7/8/2013 3:23 AM EST
Isniin, July 08, 2013 (HOL) — Wafdiyo ay kala hoggaaminayaan madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo ra’iisul wasaaraha, Cabdi Faarax Shirdoon Saacida ayaa lagu wadaa inay saaka oo Isniin u kala ambabaxaan dalka Koonfurta Suudaan iyo magalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.