4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 8 , 2013
Madaxweynaha Soomaaliya iyo Wafdi uu Hoggaaminayo oo si heer sare ah loogu soo dhaweeyay Koonfurta Sudan (SAWIRRO)


Isniin, July 08, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa loogu soo dhaweeyay xarunta dalka Koonfurta Suudaan ee Jubba, iyadoo garoonka ay kusoo dhaweeyeen xubno uu ka mid ahaa madaxweynaha dalkaas, Salva Kir.

Mudane Xasan Sheekh ayaa caawa kulan gaar ah la yeelan doono dhiggiisa dalka Koonfurta Suudaan oo ay wada-casheyn doonaan, kana wada-hadli doonaan xiriirka labada dal, sidii ganacsatada Soomaaliyeed ee Koonfurta Suudaan ku nool loo taageeri lahaa iyo sidii dalka Soomaaliya dib loogu dhisi lahaa.

Sidoo kale, madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu wadaa inuu caawa kulan la qaato jaaliyadda Soomaaliyeed ee Koonfurta Suudaan isagoo kala hadli doona sidii ay uga qeybqaadan lahaayeen dib u dhiska dalka iyo horumarka ballaaran ee ka socda gudaha Soomaaliya.

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya ayaa lagu wadaa inuu kaga qaybgalo dabaaldagga sannadguuradii labaad ee dalka Koonfurta Suudaan uu kaga go’ay dalka Suudaan uuna ku qaatay madaxbannaanidiisa oo ku beegan maalinta berri ah.











Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya