4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 8 , 2013
Kulan Siyaasadeed looga Hadlayay aayaha Puntland oo Maanta lagu qabtay Degmada Qardho ee Maamulka Puntland [SAWIRRO]


Isniin, July 08, 2013 (HOL) —  Siyaasiyiin, isimmo iyo waxgarad kasoo jeeda gobollada Puntland ayaa maanta kulan ballaaran ku yeeshay magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar. Kulanka ayaa ahaa mid looga arinsanayey xaaladda siyaasadeed ee Puntland, islamarkaa loogu gogol xaarayey shir-weyne kan dhiggiisa ah oo bisha soo socota 20-keeda isla magaalada Qardho ka dhici doona.

Kulanka maanta oo ahaa mid ay warbaahintu dibadda ka joogtey, waxaa markii uusoo gaba gaboobey kaddib saxaafadda shir-jaraa'id u qabtay mas'uuliyiin ay kamid yihiin madaxweynihii hore ee Puntland Jen. Cadde Muuse iyo madaxweyne ku-xigeenkii hore Dr. Maxamed Cali Yuusuf (Gaagaab).

Jen. Maxamuud Muuse Xirsi (Cadde) oo ugu horeyn hadalka qaatay ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in isimada Puntland ay si deg deg ah uga soo jawaabeen baaqii uu horay ugu jeediyey ee ahaa in ay soo farageliyaan xaaladda siyaasadeed ee Puntland.

"Waxaan aad ugu faraxsanahay in isimada Puntland ay maanta isu yimaadaan si ay uga hadlaan arrintii aan horay ugu baaqay ee ahayd inay xalliyaan mashaakilka siyaasadeed ee ka jira Puntland" Jen. Cadde ayaa yiri.

Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Puntland Dr. Maxamed Cali Yuusuf (Gaagaab) oo isna si kooban u hadlay ayaa soo hadal qaaday geedi socodka dimuqraadiyadda ee xilligan Puntland ka socda, isagoo xusay in wax badani ay qabyo ka yihiin, khasabna aan dadka lagu qaadsiin karin.

"dimuqraadiyadda cidna ma diidana, dadka reer Puntland dimuqraadiyadda way ogol yihiin, balse dimuqraadiyaddu tiirar ayey leedahay, horta marka hore tiirarkeedii in la helo ayaa muhiim ah" Dr. Gaagaab ayaa yiri.

Kulanka maanta ka dhacay magaalada Qardho ayaa ahaa mid muddo saacado ah qaatey, waxaana siyaasiyiintii iyo waxgaradkii kasoo qayb galay ay isku raaceen in bisha August 20-keeda magaalada Qardho lagu qabto shir ballaaran oo looga tashanayo ayaaha siyaasadeed ee Puntland.