4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 8 , 2013
Mudanayaasha Baarlamaanka oo Maanta Meel-mariyay Sharciga Dhismaha Maamullada Gobollada iyo Degmooyinka dalka

Isniin, July 08, 2013 (HOL) — Xildhibaannada baarlamaanka Somalia ayaa maanta ansixiyay hidise sharciyeedka dhismaha maamullada gobollada iyo degmooyinka dalka, kaddib markii qodobbada hidisahan wax laga bedelay.

Kulankii maanta oo ka mid ahaa kulammada aan caadiga ahayn ee uu ay yeelanayaan xildhibaannada baarlamaanka ayaa waxaa kasoo qaybgalay 142 mudane, iyadoo uu shirka guddoominayay ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka Soomaaliya, Jeylaani Nuur Iikar.

“Qodobbada hidisahan qaar ayaa laga bedelay kaddib markii xidhibaannadu ay sidaas codsadeen,” ayay tiri xildhibaanad Fowziyo Maxmed Sheekh oo ah guddoomiyaha guddiga arrimaha dibadda iyo amniga Qaranka oo hidisahan kasoo shaqeeyay.

Xildhibaannada baarlamaanka ayaa markii uu kulanku billowday fikarado iska weydaarsaday hindisahan oo salka u dhigaya nidaamka dhismaha maamullada gobollada iyo degmooyinka dalka, iyadoo intaas kaddibna la geliyay cod.

Codka oo ahaa mid gacan taag ah ayaa ku ogolaatay sharcigan 137 mudane iyadoo laba ka mid ah ay diideen, halka saddexda kalena ay ka aamuseen sida uu madasha uga dhawaaqay guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka Soomaaliya.

Ansixinta sharcigan ayaa wuxuu kusoo beegmayaa xilli uu muran xooggan ka taagan yahay maamulka Jubbaland oo bartamihii bishii May ee sanadkan looga dhawaaqay magaalada Kismaayo, kaasoo sababay dagaallo ka dhacay degmadaas.

Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxay ku jiraan kulammo gaar ah oo socon doona muddo bil ah, kuwaasoo loogu talogalay in lagu ansixiyo hidishe sharciyeedyo ay u soo gudbisay xukuumadda Soomaaliya kuwaasoo uu ka mid yahay sharciga la dagaalanka argagaxisada iyo kuwo kale oo la xiriira arrimaha dibadda.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya