4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 8 , 2013
Wajigii Labaad ee Wadahadalladii u dhexeeyay Soomaaliya & Somaliland oo Maanta ka furmay Magaalada Istanbuul

Isniin, July 08, 2013 (HOL) — Wajigii labaad ee wadahadallada Soomaaliya iyo Somaliland ayaa ka furmay maanta magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga, waxaana wadahadallada ka qaybgalaya wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Turkiga.

Shirkan ayaa wuxuu daba socdaa shir isla dalka Turkiga lagu qabtay bishii Abriil ee sannadkan, iyadoo lagu wado in labada guddi ay kaga hadlaan shirkooda waxyaabihii ka qabsoomay qodobbadii lagu heshiiyay kulankii ka horreeyay midkan iyo sidii ay wadahadalladu u sii socon lahaayeen.

Mas’uuliyiin ka tirsan labada wafdi uu shalay la kulmay wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga, Axmed Daa’uud Oogle ayaa hadallo ay warbaahinta siiyeen kulankoodaas kaddib wuxuu mid walba sheegay in dhinaca kale uu jabiyay qodobbo ka mid ah kuwii horay loogu heshiiyay.

Wasiirka arrimaha dibadda dalka Turkiga oo ka hadlayay wadahadallada uga furmay dhinacyada Soomaalida Istanbuul ayaa sheegay in dhankooda ay ka go’an tahay inay labada dhinac ku tir-tirsiiyaan sidii ay go’aan uga gaari lahaayeen mustaqbalkooda siyaasadeed.

“Turkiga wuxuu mar walba garab taagan yahay Soomaalida, waxaana diyaar u nahay inaan walaalaheen u caawinno si kasta oo maqluul ah. Soomaaliya iyo Somaliland waxaan doonayna inay dib u soo ceshadaan wadajirkoodii,”  ayuu yiri Oogle.

Kulammadan hordhaca ah kaddib ayaa lagu wadaa inay isku arkaan Turkiga madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxweynaha maamulka Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) si ay horay ugu wadaan wadahadalladan.

Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal weyn ugu jirta sidii dib loogu soo celin lahaa midnimadii Somalia, halka maamulka Somaliland uu ku adkeysanayo inuu ka go’ay Soomaaliya inteeda kale uuna doonayo inuu madaxbannaani buuxda qaato.

Inta badan dadka Soomaaliyeed ayaa waxay rajo wanaagsan ka muujiyeen wajiga labaad ee wadahadallada oo maanta ka furmay magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga, halka dad kalena ay u arkaan in wadahadalladan aysan kasoo baxay wax natiijo ah.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya