4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 8 , 2013
Tartan Aqooneed ay ka qaybgaleen Arday ka socotay gobollo kala duwan oo lagu soo gabgabeeyay Laascaanood (SAWIRRO)


Isniin, July 08, 2013 (HOL) — Tartan aqooneed dhex-maray 15 dugsi sare iyo machad ku kala yaalla gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn ayaa lagu soo gabagabeeyay hoolka Jaamacadda Nugaale ee magaaladda Laascaanood ee Gobolka Sool.

Tartankan oo ay soo qaban-qaabiyeen ururka ardayda Jaamacadda Nugaal ee NUSU ayaa toddobaadkii aan soo dhaafnay ka billowday xarunta ay ku leedahay Laascaanood Jaamacadda Nugaal, kaasoo u dhexeeyey 15-dugsi sare iyo machad.

Munaasabadda gabagabada tartan aqooneedka ayaa waxaa ugu horreyn ka warbixisay guddoomiyaha ururka NUSU, Aamina Saleebaan Maxamuud oo sheegtay in tartankan noocan ah ay qabtaan sannad kasta waqtiga fasaxa lagu jiro si ay kor u qaadaan aqoonta ardayda dugsiyada sare.

Guddoomiyaha ganacsatada gobolka Sool ahna madaxa shirkada Telesom oo kana mid ah guddiga horumarinta Jaamacadda Nugaal, Cabdirisaaq Axmed Warsame oo isna goobta ka hadlay ayaa ku dheeraaday waxyaabihii ay ka qabatay jaamacaddu adeegyada bulshad iyo kor u qaadidda aqoonta, isagoo ardayda ugu baaqay inay ku dadaalaan sidii ay aqoontooda u sii wadan lahaayeen.

Sidoo kale, waxaa isna goobta ka hdalay guddoomeye xigeenka Jaamacadda Nugaal, C/naasir Maxamed Bare (Abu Sheyba) oo ka sheekeeyay heerarkii kala duwanaa ee uu soo maray ururka NUSU iyo dadaalkii ay ku bixiyeen sidii kor loogu qaadi lahaa aqoonta.

Gababadii waxaa isagan goobta ka hadlay guddoomiyaha waxbarashada gobolka Sool, Maxamuud Bisinle oo ammaan u soo jeediyay Jaamacadda Nugaal, wuxuuna kula dardaarmay in waxbarashadu ahaato mid ka banaan siyaasada.

Ugu danbayn, waxaa abaalmarino kala duwan oo ay ku jireen qalabka wax lagu barto iyo lacag la guddoonsiiyey dhammaan ardaydii tartanka ka qayb-galay, iyadoo Kaalinta koowaad uu ku guulaystey dugsiga sare ee Ilays ee magaalada Laascaanood.






Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool