4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 8 , 2013
Madaxweynaha & Ra’iisul Wasaaraha Somalia oo Maanta u kala Ambabaxay Koonfurta Suudaan iyo Magaalada Baydhabo

Isniin, July 08, 2013 (HOL) — Wafdiyo ay kala hoggaaminayaan madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo ra’iisul wasaaraha, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa lagu wadaa inay saaka oo Isniin u kala ambabaxaan dalka Koonfurta Suudaan iyo magalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa oo isugu jira xildhibaanno iyo wasiirro ayaa la kulmi doona mas’uuliyiinta dalka Koonfurta Suudaan oo uu ka mid yahay madaxweynaha dalkaas Silva Keer.

Booqashada uu madaxweyne Xasan ku tagayo dalka Koonfurta Suudaan oo laba sano ka ka go’ay dalka Suudaan ayaa waxay noqonaysaa tii ugu horreysay oo uu ku tago dalkaas.

Saraakiil ka tirsan madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegay in booqashadan ay qayb ka tahay booqashooyinka uu madaxweynuhu ku tagayo dalal badan oo caalamka si uu u soo celiyo xiriirkii Soomaaliya kala dhexeeyay dalalkaas.

Dhanka kale, ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo horkacayo wasiirro iyo xubno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa iyaguna saakay ku wajahan Baydhabo halkaasoo ay kulammo kula yeelan doonaan waxgaradka gobolka Bay isagoo kala hadli doona maamul u sameynta gobolkaas.

Wararka ayaa waxay intaas ku darayaan in ra’iisul wasaaruhu uu inta uu ku sugan yahay Baydhabo uu kulammo la yeelan doono saraakiisha cidiamada ee gobolka Bay, isagoo kala hadli doona sidii deegaannada ay Al-shabaab kaga sugan tahay gobollada Bay iyo Bakool looga saari lahaa.

Gobolka Bay oo ka mid ah gobollada ku yaalla Koonfurta Soomaaliya ayaa waxaan ka jirin wax maamul ah, kaddib markii uu dhammaaday xilligii ay howsha hayeen mas’uuliyiintii maamulkii hore oo lix bilood ahayd.

Qabanqaabada safarrada madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa ka socota garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, halkaasoo lagu wado inay dhawaan ka duulaan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya