4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 6 , 2013
Baaritaan lagu sameynayo Dhaawacyadii ka dhashay Dagaalladii Kismaayo ka dhacay oo laga billaabay Muqdisho

Sabti, July 06, 2013 (HOL) — Baaritaanno lagu sameynayo dhaawacyadii ka dhashay dagaalladii Kismaayo ayaa manta ka billowday Muqdisho, iyadoo ay booqdeen maanta isbitaallada ay ku jiraan xubno ka socda ururrada ka shaqeeya xuquuqda aadanaha.

Toddobaadkii hore ayaa waxaa la keenay Muqdisho dhaawacyo ka badan 60-qof oo ka mid ahaa shacabkii ku dhaawacmay dagaalladaas, kuwaasoo qaar ka mid ah ay qabaan dhaawacyo halis ah.

Xubnaha ka socday hay’adaha xuquuqda aadanaha ee maanta tagay qaar ka mid ah isibtaallada ay dhaawacyadu ku jiraan ayaa sheegay inay waxyaabo ka weydiiyeen dhaawacyada sidii ay ku dhaawacmeen iyo ciddii dhaawaca u geysatay.

“Dhaawacyada qaarkood waxay sheegeen inay ku dhaceen madaafiic culus, qaar kalena waxay sheegeen inay dhaawacyo u geysteen dhinacyadii uu u dhexeeyay dagaalka iyo ciidamada Kenya,” ayuu yiri mid ka mid ah xubnihii booqday dhaawacyadii Kismaayo.

Maalinta berri ah ayaa lagu wadaa in sidoo kale ay dhaawacyada booqasho ugu tagaan ururrada bulshada rayidka ah, si ay u eegaan xaaladaha ay ku sugan yihiin dhaawacyada, waxaana tani ay billow u tahay baaritaanno lagu sameynayo dhaawacyadii ka dhashay dagaalladii Kismaayo iyo cidda geysatay.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu wadaa in iyadu ay magacowdo dhowrka maalmood ee soo socda guddi gaar ah oo baaritanano ku sameeya dagaalkii Kismaayo, kuwaasoo u kuurgeli doona in ciidamada Kenya ay dagaalladaas ka qaybgaleen iyo in kale.

Dowladda Somalia ayaa ciidamada Kenya ku eedeysay inay iyagu mas’uul ka yihiin dagaalladii ka dhacay Kismaayo ayna garab ka mid ah garabyadii uu u dhexeeyay dagaalka la safteen.

Sidoo kale, waxaa Muqdisho abaabulka bannaanbax weyn oo looga horjeedo ciidamada Kenya, kaasoo ay ka qaybgeli doonaan xubno ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Colaaddii Kismaayo ayaa waxay sababtay khilaaf dhinaca siyaasadda ah oo soo dhexgalya dowladaha Soomaaliya iyo Kenya, iyadoo dowladda Somalia ay warqad ay cabanayso ciidamada Kenya u dirtay toddobaadkii hore ururka Midowga Afrika, balse ma jirto wax jawaab ah oo uu ururku ka bixiyay.

Dalka Kenya ayaa waxaa Soomaaliya kaga sugan kumannaan askari oo qayb ka ah howgalka Midowga Afrika ee AMISOM, kuwaasoo ku sugan Kismaayo, balse dowladda Soomaaliya ayaa doonaysa in ciidamada Kenya lagu bedelo kuwo kale oo ka socda Midowga Afrika.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya