4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 5 , 2013
WASIIRKA MAALIYADDA SOMALIA: “Ma jirto lacag sharci-darro ah oo lagala baxay bangiga dhexe ee Soomaaliya”


Jimco, July 05, 2013 (HOL) — Wasiirka Maaliyadda iyo qorsheynta dowladda Soomaaliya, Maxamuud Xasan Suleymaan oo markii ugu horreysay ka hadlay warbixin ay kooxda la socodka arrimaha Soomaaliya iyo Eriteriya ay ku sheegeen in lacago badan oo sharci-darro ah laga baxay bangiga dhexe ee Soomaaliya ayaa sheegay inaysan jirin lacago lagala baxay bangiga dhexe ee Soomaaliya.

Mudane Suleymaan ayaa sheegay in warbixintaas ay tahay mid waxba aysan ka jirin, isagoo dalbaday in looga baahan yahay kooxda warbixinta soo saartay inay keento caddeymo muujinaya lacagaha lagala baxay bangiga iyo halka lagu bixiyay.

“Bangiga dhexe ee Soomaaliya waa mid ku shaqeeya nidaam sharciga dalka waafaqsan, mana jiraan lacago sharci-darro ah oo lagala baxay, waxaana ku tilmaami karaa warbixintaas mid aan sax ahayn, waayo waxaa loo baahnaa in eedeymaha ay la socdaan caddeymo cad-cad,” ayuu yiri wasiirka.

Wasiirka ayaa sheegay in eedeyntan ay tahay mid la doonayo in Soomaaliya looga dhigi dhigo dal uu ka jiro musuqmaasuq baahsan iyo xatooyo xoolo dadweyne, isagoo sheegay in xukuumaddu ay hab sharciyeed u dajisay lacag walba oo bangiga laga bixinayo.

Sidoo kale, waxaa iyaguna eedeyntan beeniyay guddiga baarlamaanka u qaabilsan maaliyadda, iyadoo mas’uul u hadlay uu sheegay in eedeyntaas ay tahay mid aan sal iyo raad lahayn, wuxuuna xusay in guddigoodu uu si dhow ula socdo sida uu bangiga dhexe u shaqeeyo.

“Ma jirto lacag sharci-darro ah oo lagala baxay bangiga dhexe, eedeyntanna waa mid la been abuuray oo cad, waxaana ka codsanaynaa guddigii arrintan ka hadlay inay keenaan caddeymo cad oo muujinaya lacagaha lala baxay,” ayuu mas’uulkan hadalkiisa ku daray.

Warbixin ay soo saareen guddiga la socodka arrimaha Soomaaliya iyo dalka Eriteriya ee Qaramada Midoobay ayay ku sheegeen in lacagaha bangiga dhexe ee Soomaaliya kusoo xarooda 80% loo isticmaalay dano shaqsiyadeed iyagoo xusay in dad ka tirsan dowladda ay lacagahaas la baxeen.

Guddoomiyaha bangiga dhexe ee Soomaaliya, C/salaan Cumar Hadliye ayaa isagana toddobaadkan beeniyay warbixinta, isagoo sheegay in bangiga dhexe ee Soomaaliya uu ku shaqeeyo hab cad oo aan laalaab lahayn.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya