4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 5 , 2013
Mudane ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo ku baaqay in la Magacaabo guddi baaritaan ku sameeya dagaalladii Kismaayo


Jimco, July 05, 2013 (HOL) — Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka mid ah xubnaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku taliyay in dowladda Soomaaliya ay magacowdo guddi baaris ku sameeya dagaalladii ka dhacay magaalada Kismaayo, kuwaasoo u dhexeeyay rag isku haysta xilka madaxweynenimo ee maamulka Jubbaland.

Mudane Dalxa ayaa sheegay in guddigan oo ah mid xaqiiqo raadin ah uu baaris ku sameynayo sida uu dagaalku ku dhacay iyo inay ku lug leeyihiin ciidamada Kenya ee qaybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

“Waxaa soo jeedinayaa in guddi baaris ku sameeya dagaalladii Kismaayo ka dhacay la magacaabo. Haddii ay caddaato in ciidamada Kenya ay dagaalka ku lug leeyihiinna la ciqaabo saraakiisha horkacaysa,” ayuu yiri xildhibaan Dalxa.

Sidoo kale, xildhibaanku wuxuu ku baaqay in laga shaqeeyo sidii lagu damin lahaa xiisadda dublamaasiyadeed ee soo dhexgashay dowladaha Soomaaliya iyo Kenya taasoo salka ku haya dagaalkii ka dhacay Kismaayo.

Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa toddobaadkan iyo kii ka horreeyay ka dhacay dagaallo culus oo u dhexeeya dhinacyo isku haya maamulka magaaladaas, iyadoo la sheegay inay dagaalladaas ku dhinteen 65 qof ayna ku dhaawacmeen 155-qof oo kale, kuwaasoo u badan dad rayid ah.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku eedeysay ciidamada Kenya ee Kismaayo ku sugan inay dhinac ka mid ah dhinacyadii dagaalamay la safteen ayna iyagu mas’uul ka ahaayeen dagaalladaas.

Warqad cabasho ah oo arrintan ku aaddan ayay dowladda Somalia u dirtay ururka Midowga Afrika, iyadoo dowladdu ay horay u dalbatay in laga bedelo ciidamada Kenya gobollada Koonfurta Soomaaliya ku yaalla, lana geeyo ciidammo dalal ka socda oo isku dhafan.

Hadalka xildhibaanka baarlamaanka Soomaaliya ka tirsan ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo ay jirto xiisad ka dhalatay dagaalkii Kismaayo oo soo dhex-gashay dowladaha Soomaaliya iyo Kenya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya