4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 31, 2013
Isku-shaandheyntii iyo ku dhawaaqistii Golaha Wasiirada Soomaaliya oo dib ugu dhacday illaa bisha September ee sannadkan

Arbaco, July 31, 2013 (HOL) — Iyadoo lagu waday in maalmaha soo socda lagu dhawaaqo golaha wasiirrada xukuumadda Soomaaliya oo tiradooda laga dhigay 25-wasiir iyo isku shaandheyn lagu sameeyay 10-ka wasiir ee xilligan shaqeynaya ayaa dib loo dhigay illaa bisha Septmber ee sannadkan.

Dib u dhigista arrintan ayaa lagu sheegay iyadoo baarlamaanka Soomaaliya oo la horgeyn lahaa si uu kalsoonida u siiyo uu fasax galay, taas awgeedna ay keentay in dib loo dhigo illaa ay ka furmayaan kalfdhiyada baarlamaanka Soomaaliya.

Ilo wareedyo ka tisran xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa laga soo xigay in lagu dhawaaqi doono golaha wasiirrada ee cusub dhamaadka bisha September, isla markaana la hogeyn doono baarlamaanka si ay kalsoonida u siiyaan.

Wararka ayaa waxay sheegayaan in xubnaha ka mid  noqnaya wasiirrada uu ka taagan yahay muran, iyadoo ay jiraan xubno la doonayo in xukuumadda laga saaro iyo kuwo cusub oo lagu soo dayo, kuwasaoo dhammaantood uu ka taagan yahay muran.

Xubnahan ayaa la sheegay inay kala wataan madaxda dowladda, waxaana la sheegay in kordhinta golaha wasiirada ay sabab u tahay wasiirrada xilligan shaqeynaya oo ay ku badatay howlaha wasaaradaha, sidaa awgeedna la kala fududeynayo si howshu u socoto.

Arrintan ayaa waxaa si weyn u hadal haya shacabka Soomaaliyeed oo qaar ka mid ah ay ku tilmaameen mid aan loo baahnayn, halka kuwo kalena ay soo dhaweynayaan, waxaase badan dadka qaba in golaha wasiirrada intan laga yareeyo.

Baarlamaanka Soomaaliya oo lagu xiray ku dhawaaqidda golaha wasiirrada ee cusub ayaa maanta galay fasax hal bil ah, kaddib markii bil ka mid ah labadii bilood ee ay fasaxa lahayeen ay sii shaqeeyeen si ay u ansxiyeen hidise-sharciyeedyo ay xukuumaddu u soo gudbisay.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya