4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 31, 2013
Afhayeenkii Golaha odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan oo goor dhaw lagu dilay Bartamaha Magaalada Baladweyne


Arbaco, July 31, 2013 (HOL) — Kooxo bastoolado ku hubeysan ayaa goor dhaw oo maanta ah ku dillay meel aan ka fogeyn gurigiisa afhayeenkii odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan Xuseen Cilmi Ibraahim.

Dad goob joogayaal ah ayaa warbaahinta u sheegay in sadax dhalinyarro ah oo ku hubeysan bastoolado weerar ku qaadeen marxuum-ka xili uu ku sii jeeday gurigiisa oo ku yaalla xaafadda Howl-wadaag ee magaalada Baladweyne.

Lama oga illaa iyo hadda cid dhab ahaan ka danbeysay dilka marxuum-ka oo siweyn caan uga ahaa magaalada gaar ahaan gollaha odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan, waxaana uu ahaa xubin fir fircoon siweyn uga dhax muuqan jiray shirarka kala duwan ee dhaqanka iyo siyaasada labadaba ku saleysan.

Ma jiro wax war ah oo wali maamulka gobolka uu ka soo saaray dilka Alle ha naxariisteen afhayeenka odayaasha dhaqanka Xusseen Cilmi Ibraahim, hasse ahaatee waxaa socda howlgalo ay wadaan ciidamada maamulka gobolka Hiiraan.

Labaantii bishan aynu jirno ayeey aheyd markii magaalada lagu toogtay guddoomiye ku-xigeenkii maxkamadda degmada Baladweyne Xussan Cilmi Ciyoow [Xassan Dheere] oo maanta loo soo bandhigay warbaahinta gacan ku dhiiglaayaashii ka danbeeyay dilkiisa.

Hiiraan Online