4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 31, 2013
Kal-fadhigii aan caadiga ahayn ee Baalamaanka Soomaaliya oo lasoo xiray iyo Sharciga sameynta Xisbiyada oo laga dooday


Arbaco, July 31, 2013 (HOL) — Kalfadhiyadii caadiga ahaa ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta lasoo xiray, iyadoo ajandihii ugu dambeeyay oo ay ka doodeen xildhibaannadu uu ahaa shuruucda sameynta xisbiyada siyaadeed ee dalka, iyadoo xildhibaannadu ay fikrado kala duwan ka dhiibteen.

Kulankan oo ahaa kii 18-aad ay xildhibaannadu isugu yimaadeen muddadii uu socday kulanka oo ahayd bishan July ayaa waxaa shir-guddoominayay afhayeenka baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari).

Xildhibaannadii kulanka soo xaadiray ayaa waxay aragiyo kala duwna ka dhiibteen sameynta xisbiyada siyaasadeed oo la sheegay in looga gudbi doono habka wax qaybsiga beelaha oo uu baarlamaanku ku dhisan yahay.

Muddadii ay dooddu socotay ayay xildhibaannadu soo jeediyeen aragiyo kala duwan oo sharcigan ku saabsan, waxaana xidhibaannada qaarkood ay soo jeediyeen in sharcigan si aad ah looga baaraan-dago si looga hortago inuu keeno khliaaf.

Gabagabadii kulanka ayaa waxaa ka hadlay guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Prof. Jawaari oo sheegay in guddi kasoo talo-bixiya sharcigan loo saari doono, ay doodihiisu sii socon doonaan marka ay kulammada baarlamanaka dib u furmaan bisha Septmber ee sannadkan.

Kulammadii aan caadiga ahayn ee baarlamaanku yeeshay ayaa waxaa lagu ansixiyay hidise-sharciyeedyo kala duwan oo ay xukuumaddu soo gudbisay kuwaasoo ay ka mid ahaayeen sharciga sameynta maamullada dalka, sharci lagula dagaalamayo argagaxisada iyo kuwo kale oo fara badan.

Baarlamaanka Soomaaliya oo ka kooban 275-kursi ayaa waxaa bisha soo socda ee Ogoosto u buuxsameysa muddo sannad ah tan iyo markii la dhisay, wuxuu noqonayaa baarlamaankii ugu shaqo badnaa ee soo mara dalka, tan iyo markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya