4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 31, 2013
Al-shabaab oo ka Warbixisay Sabibihii keenay inay sii-dayso Saraakiil dalka Kenya u dhashay oo ay afduub ku haysatay


Arbaco, July 31, 2013 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ayaa xaqiijisay inay sii daysay laba sarkaal oo Kenyan ah, kaddib markii dowladda Kenya ay fulisay shuruudo ay ugu xirtay Al-shabaab xukuumadda Kenya.

Sarkaal u hadlay Al-shabaab ayaa sheegay in saraakiisha ay sii daayeen ay gacnta ku hayeen muddo 18-bilood ah, ayna sii daayeen iyagoo caafimaad qaba, wuxuuna xusay inay weli gacanta ku hayaan saraakiil kale oo Kenyan ah.

“Labadan sarkaal sii dayntooda waxaa fududeysay kaddib markii dowladda Kenya ay fulisay qodobbo ay horay ugu xirtay Al-shabaab dowladda Kenya, kuwaasoo ay ka mid yihiin in lasii daayo maxaabiis u xiran dalka Kenya, ayna maxaabiista kale u xiran yihiin qaar ka dhiman fulinta shuruudihii lagu xiray,” ayuu yiri sarkaalka u hadlay Al-shabaab.

Al-shabaab ma sheegin shuruudaha dhiman ee ay u xiran yihiin maxaabiista kale kuwa ay yihiin, balse Al-shabaab ayaa horay uga dalbtay in maxaabiis ku xiran xabsiyada Kenya ay sii dayso, kuwaasoo loo haysto falal argagaxiso ah.

“Saraakiisha aan sii daynay waxaa lagu kala magacaabaa Fredrick  Wainaina iyo Yesse Mulle, kuwaasoo gacanteenna soo galay horraantii sannadkii hore ee 2012, welina waxaa gacanteenna ku jira maxaabiis kale oo Kenyan ah,” ayuu hadalkiisa ku daray sarkaalka Al-shabaab ka tirsan.

War ay soo saartay dowladda Kenya ayaa lagu sheegay in laba sarkaal oo u dhashay dalkeeda muddo sannado ahna lagu haystay gudaha Soomaailya in lasii daayay, ayna hadda dib ugu biireen qoysaskooda iyagoo nabad qaba.

Xukuumadda Kenya waxay sheegtay in sii-daynta saraakiishan ay ku timid wadahadallo guuleystay oo ay la yeesheen Al-shabaab, laakiin ma sheegin halka lagu hayay saraakiishan iyo xilliga lasii daayay.

Dowladda Kenya ayaa horay ugu gacan-sayrtay inay wadahadallo la gasho Al-shabaab, si maxaabiista laga haysto loogu sii daayo, balse wadahadalka lagu sii dayay labadan sarkaal ayay Al-shabaab sheegtay inay soo dedejisay markii ay toogasho ku dishay Al-shabaab sarkaal Kenyan ah oo magaciisa la oran jiray, Jonathan Kangogo.

Al-shabaab waxay sheegtay in sarkaalka Kenyanka ah ee ay dishay uu ka mid ahaa ciidamada Kenya laguna qabtay gudaha Soomaaliya, balse ma jiro war arrintan ku saabsan oo kasoo baxay dowladda Kenya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya