4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 31, 2013
Iska-horimaadyo Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo dabley Hubeysan ku dhex-maray Suuqa Bakaaraha ee Muqdisho

Arbaco, July 31, 2013 (HOL) — Iska-horimaadyo u dhexeeya ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kooxo hubeysan ayaa maanta ka dhacay gudaha suuqa Bakaaraha ee Muqdisho, xili ay suuqaas ay ku sugnaayeen dad badan oo ka adeeganayay.

Goobjoogayaal ku sugan Suuqa weyn ee Bakaaraha ayaa sheegay in gudaha suuqa halka loo yaqaan sarta cali-dheere uu ka dhacay iskahorimaad dhowr qof ay ku dhaawacmeen, iyadoo la sheegay in iska horimaadku u dhexeeyay kooxo bastoolado ku hubeysan iyo ciidamada dowladda.

“Anigu waxaan arkay ciidammo la dagaalamaya kooxo hubeysan, waxaana markiiba xirmay suuqa, dadkuna waxay gabbaad ka dhiganayeen darbiyada dukaamada waaweyn iyo bakhaarada, wuxuuna iskahorimaadku socday in ku dhow nuso saac,” ayuu yiri ganacsade dukaan ku leh Suuqa Bakaaraha.

Ganacsadahan ayaa intaas ku daray inuu arkay dhaawacyada lix qof oo rayid ah kuwaasoo ku dhaawacmay rasaastii la is-dhaafsanayay, wuxuuna xusay in dhaawcyada ay intooda badan ahaayeen kuwo fudud.

Sidoo kale, kooxo hubeysan ayaa waxay toogasho ku dileen askari ka tirsan ciidamada dowladda oo ku sugnaa isgoyska Howlwadaag, taasoo keentay in ciidammo ka tirsan kuwa dowladda iyo kooxaha dilka geystay uu dagaal ku dhexmaray agagaarka shirkadaha isgaarsiinta suuqa Bakaaraha.

Mid ka mid ah dadkii ku sugnaa halkaas ayaa HOL u sheegay inuu arkayay dhowr qof oo ay ciidamadu qabqabanayeen, balse aysan wax khasaare ah oo ka dhashay iska-horimaadka dhexmaray ciidamada iyo kooxihii askariga dilay.

Toddobaadyadii lasoo dhaafay waxaa gudaha suuqa weyn ee Bakaaraha ka dhacayay dilal qorsheysan oo ay geysanayaan dabley xiriir la leh Al-shabaab oo laba sano ka hor laga saaray suuqa, iyadoo lagu dilay suuqa in ka badan 15-qof oo isugu jira askar iyo dad rayid ah.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya