4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 31, 2013
Hay’ad samafal oo in ka badan 60-qoys ugu qabisay degmada Laascaanood ee Gobolka Sool Raashin kala duwan (SAWIRRO)


Arbaco, July 31, 2013 (HOL) — In ka badan 60-qoys oo isugu jiray dan-yar iyo barakacayaal ayaa noocyada kala duwan ee raashinka loogu qaybiyay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Raashinkan ayaa waxaa qaybisay hay'adda wadaniga ah Staedfast Volontery Organization SVO, waxaana ku deeqday gargarkan ha’ad lagu magacaabo Helping Hand sida uu sheegay Cabdikariin Siciid Aw-Cabdi oo ka mid ah mas’uuliyiinta hay'adda wadaniga ah ee SVO.

Madaxa mashruucan, Muxyadiin Cali Maxamed ayaa faahfaahin ka bixiyay raashinka la qaybiyay oo ka koobnaa bariis, sonkor, bur, saliid, caleen shaah iyo Timir, waxaanu intaas raaciyay inaanay ahayn wax ku filan dadka, balse loogu talo-galay inay kaalmeystaan, isagoo ugu baaqay cid walba oo dadka liita kaalmaynaysa inay bishan xurmadda leh ka faa'iidaystaan.

Muxyadiin oo la weydiiyay raashinkan faahfaahintiisa ayaa wuxuu sheegay in 12 kiilo iyo badh ay ka kooban yihiin sokorta, bariiska iyo daqiiqda ama burka, shan liitar oo saliid ah iyo timirta iyo caleenta oo min hal kiilo ah.

Dadkii deeqdaas qaatay ayaa aad ugu mahad-celiyey Hayadda SVO ee soo gaadhsiisay iyo kuwii soo bixiyayba, iyagoo sheegay in lagu soo beegay xilli ay baahi weyn u qabeen inay raashin noocan oo kale ah helaan.

Ma ahan markii ugu horreysay oo hay'adda SVO ay soo gaarsiiso dadka jilicsan wax-tar noocan oo kale ah; balse waa markii ugu horreysey ee bisha Ramadaan iyadoo bilihii sannadihii aan kasoo gudubnay ay uga wax-tar badnayd dadka dan-yarta ah iyo barakacayaashaba.


Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool