4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 31, 2013
Maamulka Gobolka Hiiraan oo soo Bandhigay Gacan-ku-Diig-Layaashii Dilay Guddoomiye ku-xigeenkii Maxkamadda Baladweyne (SAWIRRO)


Arbaco, July 31, 2013 (HOL) — Saraakiisha booliiska maamulka gobolka Hiiraan ayaa maanta ku soo bandhigay magaalada Baladweyne gacan ku dhiiglihii dillay Alle ha u naxariisteen guddoomiye ku-xigeenkii dhaca garsoorka ee maxkamadda degmada Baladweyne Macalin Xassan Cilmi Ciyoow [Xassan Dheere] iyo shaqsi sida la sheegay fududeeyay dilka marxuum-ka.

Goobta lagu soo bandhigay labada gacan ku dhiiglaha ayaa waxaa goob joog ka ahaa mas'uuliyiinta maamulka degmada, saraakiisha ciidamada Jabuuti iyo xubno ka tirsan maxkamadda degmada Baladweyne oo ay wada shaqeyn jireen marxuum-ka la dillay.

Taliyaha saldhiga booliska magaalada Baladweyne Col Cali Cabdi Mahad Alla oo ka hadllay goobta ayaa sheegay in baaritaan ay wadeen mudo ku simin 11 cisho kadib guuleysteen in ay hellaan dadkii ka danbeeyay dilkii guddoomiye ku-xigeenka maxkamada iyo shaqsiyaadkii fududeeyay dilka.

“Waxaan halkan idinku soo bandhigeynaa shaqsigii ka danbeeyay toogashada guddoomiye ku-xigeenkii maxkamada degmada, iyo nin kale oo dhalinyarro ah oo sheegay in uu dilka kala shaqeeyay gacan ku dhiiglaha,''ayuu yiri Col Cali Dhuux

Taliyaha ayaa ku sheegay magaca shaqsiga qirtay in uu dillay guddoomiye ku-xigeenka Nuur Max'uud Gurey isla markaana wareysi dheer kadib sheegay n uu isaga gacantiis ku toogtay.

Marka laga soo tago gacan ku dhiiglaha shaqsiga kale oo magaciisa lagu soo koobay Cismaan ayaa la sheegay in uusan toogashada geysan laakiin uu kala shaqeynayay gacan ku dhiiglaha hadba halka uu soo marayo marxuum-ka ka hor inta aysan toogashada dhici, taasoo macnaheedu yahay in uu dilka u fududeeyay.

Ugu dambeytii, taliyaha qeybta booliiska ayaa sheegay in dhawaan maxkamad la horkeeni doono danbiilayaasha.
 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Baladweyne Soomaaliya