4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 31, 2013
Dowladda Kenya oo Shaacisay in Al-shabaab ay sii daysay saraakiil Kenyan ah oo Muddo ugu afduubnaa gudaha Somalia

Arbaco, July 31, 2013 (HOL) — Dowladda Kenya ayaa shaacisay in sakaakiil u dhashay dalkeeda oo Al-shabaab ay ku qafaalatay dagaal ka dhacay meel ku dhow soohdinta ay wadagaan Soomaaliya iyo Kenya sannadkii hore lasoo daayay.

“Laba sarkaal oo Kenyan ah oo ay Al-shabaab qafaalatay 11-kii Jannaayo, 2012 ayaa la sii daayay, kaddib wadahadallo guuleystay oo Al-shabaab lala galay, iyadoo laga soo tallaabiyay labadan sarkaal soohdinta ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed laga soo saaray madaxtooyada Kenya.

“Saraakiishan waxaa lagu kala magacaabaa, Edward Yesse Mule oo madax ka ah deegaanka Burder iyo Fredrick Irungu Wainaina oo ah diiwaan-geliye ka shaqeynayay deegaan ku yaalla koonfurta Wajeer. Haddana waxay dib ula midoobeen qoysaskooda iyagoo caafimaad qaba," ayaa sidoo kale lagu yiri warbixinta kasoo baxday madaxtooyada.

Ma jirto wax faahfaahin ah oo laga bixiyay xilliga lasoo daayay iyo halka laga soo daayay midna. Waxaase labadan nin ay Al-shabaab sheegtay dhowr jeer inay dili doonto, iyadoo aysan jirin wax war ah oo Xarakada Al-shabaab ay kasoo saartay sii daynta labadan sarkaal ee Kenyanka ah.

Saraakiishan ayaa lagu qafaashay weerar ay Al-shabaab ay ku qadday saldhig booliis oo ku yaalla deegaanka Gerille oo ka tisran degmada Wajeer ee gobolka Waqooyi-bari Kenya. Dagaalkaas oo ay ku dhinteen afar askari oo booliis ah iyo qof shacab ah.

“Dadaallo looga shaqeynayo sidii lagu soo sii dayn lahaa muwaadiniin Kenya u dhashay oo u afduuban Al-shabaab ayaa socday,” ayaa warka kasoo baxay madaxtooyada Kenya lagu yiri.

Tiro aan cayinnay oo muwaadiniin Kenya u dhashay ah ayay Al-shabaab af-duub ahaan ugu haysataa gudaha Soomaaliya, kuwaasoo ay ku jiraan askar booliis ah iyo kuwo milateri ah, kuwasoo ay Al-shabaab ku qabsatay dhowr dagaal oo ka dhacay gudaha Kenya.

Xarakada Al-shabaab ayaa weerarro dhowr ah ka fulisay gudaha Kenyan tan iyo markii xukuumadda Nairobi ay gudaha Soomaaliya u dirtay cutubyo ka tisran milaterigeeda bishii Oktoobar ee sannadkii 2011 si ay dagaal adag ula galaan Al-shabaab oo ay ku eedeeyeen falal ammaan-darro iyo afduubyo laga geystay gudaha Kenya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya