4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 31, 2013
Xildhibaanno iyo Mas'uuliyiin hore oo Muqdisho loo furay Tababar u saabsan dhowrista Xuquuqda Haweenka iyo Caruurta (SAWIRRO)


Arbaco, July 31, 2013 (HOL) — Xidhibaanno ka tirsan baarlamaanka Somalia ayaa Muqdisho looga furay tababar ku saabsan dhowrista xuquuqda caruurta iyo haweenka Soomaaliyeed iyo sidii loo yareyn lahaa xadgudubyada lagula kaco.

Guddoomiyaha guddiga xuquuqul aadanaha, arrimaha bani’aadannimada, haweenka iyo carruurta ee baarlamaanka Soomaaliya, Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa si rasmi ah u furtay tababarkan oo socon doona muddo saddex maalmood ah.

Tababarkan ayaa waxaa ka qaybgalay guddiyada joogtada ah ee golaha shacabka Soomaaliya, xildhibaanno iyo xubno horay xilal kala duwan uga soo qabtay dowladihii dalka soo maray, waxaana inta uu socdo ay xubnaha ka qaybgalay isku dhaafsan doonaan aragtiyo kala duwan.

Furitaankii tababarka ayaa waxaa ka hadashay Nuurto Sheekh Maxamuud oo ah guddoomiyaha Somali Family & Child Care Organization (SFCC) ayaa si kooban uga hadashay tacadiyada ay sida joogtada ah ula kulmaan haweenka iyo carruurta Soomaaliyeed, kuwaasoo ay ka mid yihiin jirdil. Iyadoo xubinihii ka qaybgalayay tababarka ku boorrisay inay ogaadaan muhiimadda ay leedahay hirgelinta dhowridda xuquuqda haweenka iyo carruurta.

Xildhibaanad, Khadiijo Maxamed Diiriye oo iyaduna kulanka ka hadashay ayaa sharraxaad ka bixisay qorshaha tababarka, iyadoo xustay inuu yahay mid gogol-xaar u ah sidii bulshada Soomaailyeed looga talogelin lahaa sharciga ku saabsan xuquuqda aadanaha Soomaaliya.

Khadiijo waxay sheegtay in guddigeedu uu dadaal ugu jiro sidii lagu heli lahaa sharci lagu mideysan yahay oo ka hadlayay dhowrista xuquuqda qaybaha kala duwan ee shacabak Soomaaliyeed, gaar ahaan haweenka iyo caruurta oo ah kuwa ugu nugul ee dhibaatadu ku dhacdo.

guddiga xuquuqul aadanaha, arrimaha bani’aadannimada, haweenka iyo carruurta ee barlamaanka Soomaaliya ayaa horay uga dlabaday golaha shacabka in hakad la geliyo sharcigan, inta lagala tashanayo dadweynaha Soomaaliyeed.








Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya