4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 31, 2013
SHEEKH ABUU-ZUBEYR: "Cadowgu wuxuu doonayaa inuu kala qeybiyo safka Mujaahidiinta, waana in taas laga digtoonaado"

Arbaco, July 31, 2013 (HOL) — Hogaamiyaha ugu sareeya ee Xarakada Al-shabaab Sheekh Mukhtaar Abuu Zubeyr, ayaa cajalad maqal ah oo uu soo saaray uga hadlay arimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin dagaallada ay kula jiraan dowladda Soomaaliya iyo Ciidamada AMISOM.

Masuulkan ayaa cajalad maqal ah oo lasoo dhigay baraha ay Al-shabaab ku leedahay Internetka, kula dardaarmay dagaalyahannada Al-shabaab in ay xoojiyaan dagaallada ay ka wadaan Soomaaliya ee ay kula jiraan dowladda iyo ciidamada AMISOM, wuxuuna sidoo kale uga digay khilaaf iyo weliba in ay u dhago nuglaadaan hadallada kooxo uu sheegay in ay doonayaan kala qeybinta Xarakada Al-shabaab.

“Waxaa loo baahan yahay qofka Mujaahidka ah inuu ogaado dagaalka maanta aan gaalada kula jirnaa inuu yahay dagaal aan xuduud laheyn, oo bad iyo birri-ba ah, cir iyo dhul ah, wadan gaar ah aan ku ekeyn, “ ayaa hadalkiisii kamid ahaa.

Hoggaamiyaha ayaa sheegay in ay soconayaan dadaallo la doonayo in lagu kala qeybiyo xarakada Al-shabaab, taasoo uu sheegay in loo adeegsanayo ballanqaadyo loo sameynayo madaxda Al-shabaab, kuwaasoo ay kamid yihiin buu yiri in jagoojin sare laga siin doono dowladda Soomaaliya, in cafis loo fidin doono, in dhaqaale la siin doono iyo weliba in laga saari doono liiska argagixisada.

Mas'uulkan ayaa soo daliishaday aayado iyo axaadiis fara badan oo uu uga hadlayo faa’iidooyinka uu leeyahay jihaadka, wuxuuna ku booriyay dagaalyahannada Al-shabaab in ay xoojiyaan dagaalllada ay kula jiraan waxa uu ugu yeeray “Cadawga” iyo weliba in ay ilaaliyaan midnimadooda.

Hoggaamiyaha Al-shabaab ayaa xusay in qorsheyaasha la doonayo in khilaaf looga dhex abuuro Al-shabaab ay horboodayaan wadamada ay ka midka yihin Turkey, Qatar iyo Ereteria, wuxuuna xusay in sidoo kale ay adeegsanayaan odoyaal dhaqameedyo iyo madax ka tirsanayd ururkii Maxaakiimta Islaamka.

Hadalkan kasoo yeeray hogaamiyaha ugu sareeya ee Al-shabaab ayaa kusoo beegmaya iyadoo mudooyinkii u danbeeyay uu soo ifbaxayay khilaaf soo kala dhexgalay hogaamiyaasha ugu sareeya ee Al-shabaab.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya