4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 31, 2013
Dowladda Soomaaliya oo Heshiis la gashay Shirkad Ilaalisa Badaha Somalia oo fadhigeedu yahay dalka Netherlands


Arbaco, July 31, 2013(HOL) Dowladda Soomaaliya ayaa heshiis la gashay shirkad ilaalisa xeebaha oo lagu magacaabo the Atlantic Marine and offshore Group, taasoo fadhigeedu yahay dalka Holland.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa waxay heshii kula gashay shirkaddan in ay ilaaliso xeebaha dalka Soomaaliya, islamarkaana ay ka qeybqaadato dib u dhiska iyo dib u qalabeynta ciidamada ilaalada badda Soomaaliya.

Warqad qoraal ah oo ku saabsan heshiiska ay gaareen shirkaddan ilaalisa badaha iyo dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in heshiiskan uu Soomaaliya u horseedayo Xasilooni iyo dib usoo kabashada ilihii dhaqaale ee  uu dalku lahaa, waxaana qodobada ugu muhiimsan ee heshiiska ka mid ahaa:

  • La socodka dhaqdhaqaaqa ganacsi iyo dekedaha
  • La socodka ilaha dhaqaale ee gaarka ah
  • Difaaca kheyraadka dabiiciga ah
  • Difaaca kalluumeysiga sharci darrada ah ee maraakiibta ajaaniba ah iyo waxyaabaha saldhigga u ah
  • Ka hortagga suntan lagu daadiyo xeebaha dalka Soomaaliya
  • Sameynta dabagallo ku aaddan badbaadada iyo ka hortagga adeegyada kontorbaanada ah

Qodobada heshiiska ayaa waxa sidoo kale kamid ahaa in shirkaddan ay ku howlgeli doonto awaamiirta dowladda Soomaaliya, waxaana la garaneyn waxa uu heshiiskani ka badali doono dhibaatooyinka ka taagan xeebaha dalka Soomaaliya.

Tan iyo wixii ka danbeeyay burburkii dowladii hore ee Soomaaliya, waxaa meesha ka baxay ciidamadii ilaalada badaha dalka, waxayna arintaasi fududeeysay in xeebaha Soomaaliya ay si sharci darro ah uga kalluumeeystaan Maraakiib shisheeye, in badda Soomaaliya lagu soo daadiyo sun halis ah, iyo weliba in xeebaha dalka Soomaaliya ay noqdaan meelaha ugu qatarta badan caalamka, taasoo ka danbeeysay markii ay dalka ka dilaaceen burcad badeed Soomaali ah oo afduub u geysta Maraakiibta isticmaasha xeebaha dalka.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya