4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 30, 2013
Gudoomiya baarlamaanka dalka Turkiga oo ku eedeeyay weerarkii Muqdisho quwado aan ku faraxsanayn hawlaha Turkigu ka wado Soomaaliya
cemil-cicek-ethic-law.jpg
Talaado, July 30, 2013 (HOL) - Gudoomiyaha baarlamaanka dalka Turkiga Cemil Çiçek ayaa cambaareeyay weerarkii lagu qaaday safaaradooda magaalada Muqdisho isagoo booqday qaar kamid ah dhaawacyadii laga keenay magaalada Muqdisho oo lagu daawaynayo isbitaal ku yaalla magaalada caasimada ah ee Ankara.

Çiçek ayaa sheegay in weerarkii lagu qaaday safaarada uu muujinayo in hawlaha bini'aadanimo ee Turkigu ka wado Soomaaliya inay khalkhal galisay awoodo uusan magacaabin.

“Waan fahansannahay inaan qolo kale lugaha kaga joogsanay, sababtoo ah Turkigu waxay saamayn muuqata ku sii yeelanayaan gobolkaas maalinba maalinta ka sii dambaysa. Turkigu waxay isku dayayaan inay kor u soo qoodaan heerka nololeed ee dadka, annagoo isticmaalayna mashaariicda bini'aadannimo iyo siyaabo kaleba" ayuu yiri Gudoomiyaha baarlamaanka dalka Turkiga oo muujiyay inay tuhunsanyihiin awoodo kale oo tartan iyaga kula jira.

Waxaana uu gudoomiyaha baarlamaanku carrabka ku dhuftay in kooxda Alshabaab oo weerarkan fulisay in la isticmaalay ee ay jiraan quwado ka dambeeya.

“Turkigu waxay sameeyeen wixii looga baahnaa waddan saaxiib la ah Soomaaliya, waxaanan ognahay inay jiraan quwado aan ku faraxsanayn xarumaha iyo dadaallada aan ka wadno gobolka.Nasiib darrase waxay noo soo isticmaaleen ururada argagixisada markale si ay u hor-istaagaan mashaariicda uu Turkigu ka furay Afrika" ayuu sii raaciyay gudoomiyaha baarlamaanka ee dalka Turkiga.

Hadalka gudoomiyaha baarlamaanka ayaa muujinaya inay dawlada Turkigu ay tuhunsatahay quwado tartan kula jira inay ka dambeeyeen weerarkii labo maalmood ka hor lagu qaaday safaaradooda oo looga dilay hal askari saddex kalana looga dhaawacay, inkastoo weerarkaasi ay sheegatayt Alshabaab oo iyadu xubin ka ah urur waynaha Al-qaacida.

Axmed C/samad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi , Kenya