4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 30, 2013
Munaasabad lagu dooranayay Guddoomiyaha Golaha Magaalada Buuhoodle iyo ku-xigeenkiisa oo lagu qabtay Degmadaas (SAWIRRO)


Talaado, July 30, 2013 (HOL) — Munaasabad lagu dooranayya hoggaanka golaha deegaanka ee degmada Buuhoodle ayaa habeenimadii xalay ahayd lagu qabtay barxada hoteelka Cabdi Gurey ee bartamaha magaaldaas.

Xafladan oo ay kasoo qayb-galeen boqolaal dadweynaha ah, waxgarad iyo xubno ka tirsan maamulka Khaatumo ayaa waxaa si gacan taag ah loogu codeeyay inuu noqdo duqa degmada Buuhoodle, Deeq Yuusuf Faarax halka ku xigeenkiisana loo doortay, Maxamuud Cali Fagax.

Munaasabadda doorashada kaddib waxaa halkaasi hadallo kasoo jeediyay masuuliyiinta xilka loo doortay oo ballan-qaaday inay waajibaadka dusha laga saaray u gudan doonaan si wanaagsan sharciga, iyagoo dadka ku nool Buuhoodle ka codsaday inay garab iyo gacan ku siiyaan gudashada xilkooda.

Wasiirka arrimaha gudaha Khaatumo, Yaasiin Axmed Sulub oo halkaas ka hadlay ayaa ka sheegay in xoghayaha daowladda hoose ee Buuhoodle, Cabdi Jaamac Guuleed uu howlgal deg-deg ah ka billlaabi doono degmada.

Qaar badan oo ka mid ahaa maamulka Khaatumo iyo waxgaradka Buuhoodle ayaa ka hadlay qaabka la doonayo inay u shaqeeyaan golaha deegaanka ee Buuhoodle loo doortay iyo waajibaadka ka saaran sidii howshaas gacan ugu siin lahaayeen.

Waa doorashadii ugu horreysay oo ka dhacda magaalada Buuhoodle inta la xusuusan yahay, waxaase xusid mudan in golahan deegaanka oo ah mid aan isaga lasoo dooran, balse ay soo xusheen cuqaasha degmada Buuhoodle.







Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Onilne
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool