4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 30, 2013
Wasiirka Arimaha Dibadda Turkiga oo shaaciyay inaan waxba laga bedeleyn Siyaasadooda ku Wajahan Soomaaliya

Davutoglu wishes a speedy recovery after Somalia attack
Talaado, July 30, 2013 (HOL) — Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Turkiga Ahmed Davutoglu ayaa sheegay inaan waxba laga bedelayn siyaasaddooda caawinta ah ee ku wajahan Soomaaliya, kaddib weerarkii toddobaadkan algu qaaday xarun ay ku leeyihiin Muqdisho.

Davutoglu ayaa hadalkan sheegay isagoo booqanayay dhaawacyadii askarta Turkiga ee ku dhaawacmay qaraxii Muqdisho oo lagu daweynayo isbitaal ku yaalla xarunta dalkaas ee Ankara, isagoo hoosta ka xariiqay in Somalia ay fuliyeen labadii sano ee lasoo dhaafay barnaamijyo ay caawiyeen shacabka Soomaaliyeed.

“Turkigu wuxuu ka fuliyay Soomaaliya gargaar bani’aadamnimo oo ay ku kacday 200-milyan oo doollarka Mareykanka ah, taasoo ay fuliyeen qaar ka mid ah hay’adaha samafalka Turkiga,” ayuu yiri Davutoglu. Isagoo intaas ku daray: “Haddii xaaladda nololeed ee Somalia ay maanta dib u soo laabato, waxaa sii socon doonta dadaallada dhinaca siyaasadda ah ee Turkiga ay ka wadaan Soomaaliya.”

Sidoo kale, wasiirku wuxuu sheegay in Turkigu uusan wax dan ah ka lahayn caawinta Soomaaliya, balse ay qayb ka tahay siyaasadda Turkiga ee xilligan ku wajahan qaaradd Afrika.

Wuxuu tacsi u diray ehellada askarigii ku dhintay weerarkii Muqdisho, halka kuwa dhaawacmayna uu u rajeeyay caafimaad deg-deg ah, isagoo xusay in weerarkaas uu ahaa mid argagaxiso oo aan laga  gaarin hadafkii laga lahaa.

Afhayeenka baarlamaanka Turkiga, Cemil Cicek oo isaguna isla arrintan ka hadlay ayaa sheegy in weerarkii safaaradda Turkiga ee Muqdisho uu faham u yahay horumarka ay Turkigu ka gaareen caawinta walaalahooda Soomaaliya ayna maalin walba muuqanayso isbedel kasoo ifaya Soomaaliya.

“Mid ka mid ah ciidamadeenna ilaalada ka hayay safaaradda ayaa lagu dilay weerarkaas. Saddex kalena waa lagu dhaawacay, kuwaasoo daweyn ay uga socoto dalka Turkiga, waxaana u rajeynayaa caafimaad deg-deg ah,” ayuu yiri Cicek.

Sidoo kale, guddoomiyaha baarlamaanka Turkiga ayaa sheegay in kuwa ka dambeeyay weerarka ay ka xun yihiin caawinta ay kawadaan Soomaaliya ayna u arkeen mid siyaasad kale laga leeyahay.

“Turkigu wuxuu sameeyay dadaal loo baahnaa oo uu ku caawiyay dal aan saaxiibbno iyo walaalo nahay. Waxaan la soconnaa inay jiraan awooddo aan ku faraxsanahay howsha gargaar ee Turkigu uu ka hayo Afrika. Waxayna u adeegsanayaan kooxo argagaxiso ah si ay u hor-istaagaan howlaha Turkiga uu kawado qaaradda cagaaran,” ayuu afhayeenku hadalkiisa ku daray.

Weerarkii lagu qaaday dhismaha safaaradda Turkiga ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa sheegatay Al-shabaab, iyadoo kooxdan ay ku goodisay inay sii wadi doonto weerarrada noocan oo kale ah oo la beegsanayso hay’adaha kala duwan ee Turkiga.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya