4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 30, 2013
Ururka Ahlusunna Wal-jamaaca oo Maanta Boqolaal Askari Tababar ugu soo xiray deegaanka Xeraale ee Gobolka Galguduud

Talaado, July 30, 2013 (HOL) — Ururka Ahlusunna Waljamaaca oo qayb ka ah maamulka dalka ka jira ayaa waxay tababar ugu soo gabgabeeyeen in ka badan 200-qof deegaanka Xeraale ee gobolka Galguduud, iyagoo dhoollatus ciidan kusoo bandhigay isla deegaankaas.

Xiritaanka tababarka ayaa waxaa ka hadlay mid ka mid ah mas’uuliyiinta Ahlusunna oo lagu magacaabo, Macallin Mursal Sheekh C/raxmaan isagoo sheegay in ciidamadan loo diyaariyay sidii ay uga qaybqaadan lahaayeen dagaallo lala galo Al-shabaab.

“Ciidamadan waxay tababar qaadanayeen muddo bilooyin ah, waxayna ka mid noqon doonaan ciidamada loo diyaariyay la-dagaalaanka Al-shabaab oo  qaybo ka mid ah gobolka ku sugan,” ayuu yiri Macallin Mursal.

Sidoo kale, mas’uulkan oo ka mid ahaa tababarayaashi ciidamadan ayaa ku daray hadalkiisa in Ahlusunna ay ka go’an tahay inay sida ugu dhaqsiyaha badan uga saarto gobolka Galguduud xoogagga Al-shabaab ee ku sugan.

Macallin Maxamuud Sheekh Xasan oo isaguna xiritaanka tababarka hadal ka jeediyay ayaa sheegay in Ahlusunna ay isku diyaarisay dagaal ay la gasho Al-shabaab oo uu ku tilmaamay kuwo kasoo horjeeda diinta iyo in Somalia ay noqoto dowlad.

“Waxaa naga go’an inaan la dagaalanno Al-shabaab, waxaana qorshaheenna ugu horreeya uu yahay inaan ka saarto gobolka Galguduud, markii ay taasi noo suuro-gashana aan u wareegno deegaannada kale ee dalka,” ayuu yiri Macallin Maxamuud oo ah guddoomiyaha guud ee Ahlusunna.

Dhanka kale, Macallin Maxamuud ayaa beeniyay warar dhaawanahan la isla dhexmarayay oo sheegayay in Ahlusunna ay kasoo horjeeddo xukuumadda Soomaaliya, isagoo hadalkaas ku tilmaamay mid been ah oo aanay waxba ka jirin.

“Innagu waxaan doonaynaa dowlad dalka ku hoggaamisa horumar, cadaalad iyo sinnaan, waana taas midda aan muddo dheer u soo dagaalamaynay si ay dalka uga dhalato, waana been inaan dowladda kasoo horjeedno,” ayuu mar kale yiri gudoomiyaha guud ee Ahlusunna.

Ciidamadan tababarka loosoo xiray ayaa waxaa lagu soo beegay maalin kaddib markii Ahlusunna Waljaamaca ay dhoola-tus ka sameysay degmada Dhuuso-mareeb ee gobolka Galguduud, kaasoo ay ugu dabbaal-dagaysay sannadguuradii shanaad ee kasoo wareegtay markii ay billowdeen dagaalka ay kula jirto Al-shabaab.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya