4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 30, 2013
Hay’adda Caaalmiga ah ee Horumarinta Bani’aadamka (IHDO) oo deeq ugu qaybisay Magaalada Muqdisho dad Indhoolayaal ah

Talaado, July 30, 2013 (HOL) —Hay’adda IHDO oo ka mid ah haya’daha samafalka ah ee gudaha dalka ka shaqeeya ayaa waxay deeq raashin ah oo kala duwan u qabisay indhoolayaal ku nool xerada silliga Mareykanka ee magaalada Muqdisho.

IHDO oo saldhiggeedu yahay magaalada Montreal ee waddanka Kanada ayaa xafiiskooda Muqdisho wuxuu qaybiyay gargaarkan oo isugu jiray Bariis, Saliid iyo Timir, kaasoo loogu talogalay inay ku afuraan dadka lixaadkooda ay kala dhantaalan yihiin ee xeradaas ku nool.

Mas’uulka haya’dda Rufaaci Mustaf Shirwac ayaa wuxuu sheegay inay ugu geeyeen guryahooda gargaarka dadka indhoolayaasha ah qaarkood oo aan soo gaarin goobta gargaarka lagu bixinayay.

“Howl-wadeennada xafiiska IHDO ee Muqdisho, Xamaad Cabdulqaadir Xaaji iyo Cali Xaaji Axmed ayaa aad isugu hawlay in deeqdaas waayeelka loogu geeyo guryahooda; taasoo noqoneysa tallabo muhiim ah marka loo fiiriyo adeega dadka aan codkooda soo gaarsiin karin bulshada inteeda kale,” ayuu yri Rufaaci.

Sidoo kale, maamulka hay’adda IHDO wuxuu sheegay inay qorsheynayaan inay gaarsiiyaan gargaar intaas ka badan maalmaha ciidul-fidriga ee foodda nagu soo haya, ayna joogteyn doonaan adeegyada noocaas oo kale ah.

Ugu dambeyn, Rufaaci wuxuu ugu baaqay dadka muslimiinta ah inay gar-gaaraan walaalahooda ayna ka farxiyaan maalinta ciidda ah; iyagoo fitrada u sii marin kara IHDO.

Wixii faahfaafin ah ee intaa dheer kala xariiri kartaa, madaxa hay’adda IHDO Rufaaci Mustaf Shirwac, Montreal, QUE. TEL: 514-512-3812 ama Website: WWW.IHDO.ORG.

Hiiraan Online, Montreal