4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 30, 2013
AMISOM oo sheegtay inay diyaar u tahay sugidda ammaanka Hay’adaha ka socda Turkiga iyo kuwa kale ee Muqdisho ku sugan


Talaado, July 30, 2013 (HOL) — Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay ilaaliyaan xarunta ha’yadha Turkiga ay ku leeyihiin Muqdisho iyo weliba kuwa kale ee caalamiga ah, si aan weerarro is-miidaamin ah loogu geysan.

Afhayeenka ciidamada AMISOM, Col. Cali Aadan Xumad oo la hadlay qaar ka mid ah warbaahinta gudaha ayaa sheegay inay aad uga xun yihiin weerarkii dhawaan lagu qaaday dhismaha ay deggen yihiin shaqaalaha safaaradda ay Turkigu ku leeyihiin Muqdisho.

“AMSIOM waxay diyaar u tahay inay gacan ka geysato ilaalinta hay’adaha ku sugan dalka ee ka socda Turkiga iyo kuwa kale ee caalamka ka socda, sidoo kalena waxba ka reeban mayno inaan sugo amnigooda,” ayuu afhayeenku ku sheegay warbixintiisa.

Sidoo kale, afhayeenku wuxuu sheegay in kuwa weerarrada ismiidaaminta soo qaaday ay u arkaan inay ku jiraan heerkii ugu dambeysay noloshooda ayna u arkaan inay yihiin kuwo naf-la-caari ah oo doonaya inay dhibaatada baahiyaan.

“Waxaa is-weydiin leh kuwa weerarrada u geysanaya hay’adaha shacabka Soomaaliyeed u soo gurmaday inay yihiin kuwo doonaya in dadka gargaar la siiyo iyo kuwo doonaya inay dadka dhibaato u dhintaan, runtiina waxaa iska cad inaysan doonayn in dadka Soomaaliyeed la badbaadiyo,” ayuu mar kale yri afhayeenka AMISOM.

Hadalka afhayeenka ciidamada Midowga Afrika ayaa wuxuu imaanayaa xili madaxweynaha Soomaaliya uu ka dalbaday inay shacabka iyo ciidamada dowalddu si wadajir ah uga shaqeeyaan sugidda ammaanka hay’adaha ka socda dalka Turkiga ee Muqdisho ku sugan.

Madaxweynuhu wuxuu hay’adaha Turkiga ku tilmaamay kuwo rajo u ah dib u soo kabashada Soomaaliya, Al-shabaab oo weerartayna ay caddeysatay inaysan doonayn nabad ka dhalata Soomaaliya iyo hourmarka uu dalku ku tallaabsaday.

Dhanka kale, xukuumadda Turkiga ayaa sheegtay inuusan wax isbedel ah ku imaan mowqifkooda ku aaddan howlaha gargaar ee ay kawadan Soomaaliya, ayna sii laba jibbaari doonaan, iyagoo dhanka kalena ka feejignaan doona weerarrada ka imaanaya kooxaha dowladda ku kacsan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya