3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 30, 2013
AMISOM oo sheegtay inay diyaar u tahay sugidda ammaanka Hay’adaha ka socda Turkiga iyo kuwa kale ee Muqdisho ku sugan


Talaado, July 30, 2013 (HOL) — Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay ilaaliyaan xarunta ha’yadha Turkiga ay ku leeyihiin Muqdisho iyo weliba kuwa kale ee caalamiga ah, si aan weerarro is-miidaamin ah loogu geysan.

Afhayeenka ciidamada AMISOM, Col. Cali Aadan Xumad oo la hadlay qaar ka mid ah warbaahinta gudaha ayaa sheegay inay aad uga xun yihiin weerarkii dhawaan lagu qaaday dhismaha ay deggen yihiin shaqaalaha safaaradda ay Turkigu ku leeyihiin Muqdisho.

“AMSIOM waxay diyaar u tahay inay gacan ka geysato ilaalinta hay’adaha ku sugan dalka ee ka socda Turkiga iyo kuwa kale ee caalamka ka socda, sidoo kalena waxba ka reeban mayno inaan sugo amnigooda,” ayuu afhayeenku ku sheegay warbixintiisa.

Sidoo kale, afhayeenku wuxuu sheegay in kuwa weerarrada ismiidaaminta soo qaaday ay u arkaan inay ku jiraan heerkii ugu dambeysay noloshooda ayna u arkaan inay yihiin kuwo naf-la-caari ah oo doonaya inay dhibaatada baahiyaan.

“Waxaa is-weydiin leh kuwa weerarrada u geysanaya hay’adaha shacabka Soomaaliyeed u soo gurmaday inay yihiin kuwo doonaya in dadka gargaar la siiyo iyo kuwo doonaya inay dadka dhibaato u dhintaan, runtiina waxaa iska cad inaysan doonayn in dadka Soomaaliyeed la badbaadiyo,” ayuu mar kale yri afhayeenka AMISOM.

Hadalka afhayeenka ciidamada Midowga Afrika ayaa wuxuu imaanayaa xili madaxweynaha Soomaaliya uu ka dalbaday inay shacabka iyo ciidamada dowalddu si wadajir ah uga shaqeeyaan sugidda ammaanka hay’adaha ka socda dalka Turkiga ee Muqdisho ku sugan.

Madaxweynuhu wuxuu hay’adaha Turkiga ku tilmaamay kuwo rajo u ah dib u soo kabashada Soomaaliya, Al-shabaab oo weerartayna ay caddeysatay inaysan doonayn nabad ka dhalata Soomaaliya iyo hourmarka uu dalku ku tallaabsaday.

Dhanka kale, xukuumadda Turkiga ayaa sheegtay inuusan wax isbedel ah ku imaan mowqifkooda ku aaddan howlaha gargaar ee ay kawadan Soomaaliya, ayna sii laba jibbaari doonaan, iyagoo dhanka kalena ka feejignaan doona weerarrada ka imaanaya kooxaha dowladda ku kacsan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
7/30/2013 10:20 AM EST
Gudoomiyaha baarlamaanka dalka Turkiga Cemil Çiçek ayaa cambaareeyay weerarkii lagu qaaday safaaradooda magaalada Muqdisho isagoo booqday qaar kamid ah dhaawacyadii laga keenay ee magaalada Muqdisho oo lagu daawaynayo isbitaal ku yaalla magaalada caasimada ah ee Ankara.

7/30/2013 9:01 AM EST
Talaado, July 30, 2013 (HOL) — Munaasabad lagu dooranayya hoggaanka golaha deegaanka ee degmada Buuhoodle ayaa habeenimadii xalay ahayd lagu qabtay barxada hoteelka Cabdi Gurey ee bartamaha magaaldaas.

7/30/2013 8:24 AM EST
Talaado, July 30, 2013 (HOL) — Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Turkiga Ahmed Davutoglu ayaa sheegay inaan waxba laga bedelayn siyaasaddooda caawinta ah ee ku wajahan Soomaaliya, kaddib weerarkii toddobaadkan algu qaaday xarun ay ku leeyihiin Muqdisho.

7/30/2013 7:53 AM EST
Talaado, July 30, 2013 (HOL) — Ururka Ahlusunna Waljamaaca oo qayb ka ah maamulka dalka ka jira ayaa waxay tababar ugu soo gabgabeeyeen in ka badan 200-qof deegaanka Xeraale ee gobolka Galguduud, iyagoo dhoollatus ciidan kusoo bandhigay isla deegaankaas.

7/30/2013 7:39 AM EST
Talaado, July 30, 2013 (HOL) —Hay’adda IHDO oo ka mid ah haya’daha samafalka ah ee gudaha dalka ka shaqeeya ayaa waxay deeq raashin ah oo kala duwan u qabisay indhoolayaal ku nool xerada silliga Mareykanka ee magaalada Muqdisho.

7/30/2013 7:24 AM EST
Talaado, July 30, 2013 (HOL) — Dowladda Itoobiya ayaa sheetay in nabad lagu soo rogo Soomaaliya ay daba-dheeraan doonto inta Eritrea ay taageero u fidinayso Xarakada Al-shabaab ee Soomaaliya ka dagaalanta oo xiriir dhow la leh urur-weynaha Al-Qaacida.

7/30/2013 6:51 AM EST
Talaado, July 30, 2013 (HOL) — Ganacsatada Soomaaliyeed ee suuqyada Muqdisho ayaa intii ay Al-shabaab ka talinaysay qaybo ka mid ah Muqdisho waxay lacagaha ay weydiistaan ku dhiibi jireen si khasab ah, laakiinse hadda uma dhego-furna inay dhiibaan lacagaha canshuuraha ah ee dowalddu ay ku soo rogtay, sida uu sheegay sakaal ka tirsan dowladda hoose ee Soomaaliya.

7/30/2013 3:22 AM EST
Talaado, July 30, 2013 (HOL) — Hay’adda bisha Cas ee dalka Turkiga ayaa deeq raashin ah gaarsiisay markii ugu horreysay Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, waxaana gargaarkas oo ay wadeen 10 baabuur oo kuwa xamuulka ah ay ka ambabaxeen magaalada Muqdisho iyagoo si nabad ah ku gaaray Baydhabo.

7/30/2013 3:19 AM EST
Talaado, July 30, 2013 (HOL) — Saraakiil ka socoday ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa markii ugu horreysay booqdey iskuulka Cabdalla Deerow Isaaq ee ku yaalla Baydhabo, kaasoo ay wax-ka-bartaan arday gabdho keliya ah.

7/30/2013 3:18 AM EST
Talaado, July 30, 2013 (HOL) — Kooxo hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab ayaa ku dilay shalay subax duleedka degmada Buulo-burte ee gobolka Hiiraan wiil dhallinyaro ah oo lagu magacaabi jiray, Axmed Makaraan Cabdi Cawaale, kaasoo ka mid ahaa dhallinyarada ugu fir-fircoon gobolka Hiiraan.